Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 17 July 2025

M/weyne Xasan Sh.Oo Ka Dhoofay Wasiradiisi Dhaqaalaha, Shirar Qarsoodi Ahna La Galay Shirkado Jabaan

Sunday - June 2, 2013

Warar hoosaad ka soo baxaya dhinaca magaalada Yokohama ee wadankaas Jaban ayaa sheegaya in madaxwaynaha dawlada Federaalka Soomaaliya uu maalmahaan shirar kala duwan uu si gaara ula yeeshay dhawr shirkado waaweyn oo ka tirsan dalka Japan, waxaana sida warku u dhacaayo la sheegay in wada-hadaladaas aysan ka qayb galin wasiiradi awlba meelahaas sidii koran u maluugnaa ee ku shuqulahaa arimaha maaliyada iyo dhaqaalaha oo gabi ahaan-toodaba mogdisho lagu reebay, laakiin warka ayaa intaa ku daraya in shirarkaas ay inta badan markhaati u ahaayeen rag xigtadiisa ah oo luflufka iyo hanbada ku sareeya oo isaga maamulkiisa ku xeendaaban, oo garaad-kooda iyo aqoon-toodaba tahay iska Eeg reer hebel

Dhinaca kale raga iyagu sida gaarka u indha-indheeya siyaasada madaxweyna-yaasha dalka Somaliya soo qabtay ayaa tilmaamay in Madaxweyne Xasan Shiikh sidiisaba fursad qaali ah seegtay, oo waxaa waqtigaan la gudbooneyd ayey yiraahdeen inu ummadaan weli kala bugta wax ugu dhigo siyaabo iyo casharo ay wax ku fahmi-karaan, balse sida muuqato waxuu bartanka u fariistay, galgalin bahal galeen hoos-yaac ah oo isla markaa caan ku ahaa dharaqsiga siyaasada Qabyaaladaysan .. Ragaas oo ka faaloonaayey siyaasada Xasan Shiikh ayaa warkooda ku tilmaamay in Xasan Shiikh u ku gafsanaa inu safarkiisa dalka Jabaan si kaxeysto sideed Nin oo la Reer ah, taaso ay yiraahdeen waa khalad inu wasiiradiisa tusbax u rogo oo halkoodi galiyo Rag il-qoolaadinaaya sidi tukihi raq libaax ku fadhiya .