Geesigi Lagu Hirtay Kabaayey Jubaland C/raxman Faroole Oo Maanta La Kulmay M/weyne Uhuru Kenyaata
Monday - June 3, 2013
Nairobi: War goor dhaw ku soo dhacay Galdogob Desk News ayaa sheegaya in Ninka madaxweynaha seeftiisa galka diidantahay C/Raxmaan Faroole iyo wafdigisi lobbyist ee la socday ay saaka booqdeen madaxweynaha Kenya Mr. Uhuuru Kenyaata, waxaana warka intaa raacshay in goobta kulanka oo ay ahayd qasriga madaxtooyada kenya ay labada dhinac si hab maamuusa, darajeyn iyo soo dhaweyn hanaan qurux-san leh la isku qaabilay, iyadoo wada hadaladi labada dhinacaba looga baaran-dagaayey xaalada Somaliya ee dockasta waxyeeladu ka jiraan iyo gaar ahaan doc ka weerarka iyo xag-xagashada lagu hayo maamulka dhawaanta ka dhismay carigaa Jubaland .. wafdiga Puntland oo u hogaaminaayo C/Faroole ayaa si adag doodiisa u aaminsan in madaxweyne Xasan Shiikh eedaankiisa Fedaraaliga uu had iyo jeer ka sharqamiyo ay ka tahay Af iyo Been, mabda' ahaana ka madax-adegaayo fulinta dhismaha maamul goboleedka dawladeed ee ku saleysan fedaraalismka, waxuuna ku xiiqsan-yahay ayuu yiri sidi Qodabka fedaraalka looga saari-lahaa dastuurka ama u uga dhigo Qodob xilkiisu usan mehersaneyn
Sida kale waxaa bulshada siyaasada indha indheysa aaminsan-yihiin in haddi dawladaani sistemka fedaraalka diido ay dhici-karto in beelaha Daarood iyo Raxanweyn ay wadanka inta kale ka goostaan, halka beelaha hawiye ay isku maaweliyaan in mar haddi ay haystaan xashaash iyo xushmo Madaxweyne aysan u baahneyn maamulo goboleed.
Shirka oo ay ka soo wada qayb galeen dhinaca Kenya wasiirka arimaha dibada Kenya Aamino iyo dhinaca Puntland u goob joog ka ahaa wasiirka arimaha gudaha Puntland General ilka jiir iyo Digtoor Gaandi oo ahaa ninkii keenay fikirka maamulka Jubaland, Sida warka u tibaaxyo shirkaas labada dhinac gunaanadkiisi waxuu ku dhamaaday si hawraarsan leh, waxaana la isku raacay in wixi is maan-dhaafa ee jira lagu dhameeyo talaabo wada hadal, taxadar iyo nabad.
Dhinaca kale warar ayaa tibaaxaya magalada Nairobi oo la leeyahay faroole ayaa socdaal gaaban ku gaaraya magalada Kisimaayo oo halkaas u joogi-doono maalin iyo labo key noqoto, waxaase warkaas garab socda war kale oo isagana lagu sheegaayo inu faroole tagaayo dalka itoobiya soona mari-doono Jabuuti.