Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 17 July 2025

Geeri Naxtin Leh Oo Ku Timi Shacabka India, Fanaanadi Ugu Caansaneyd Carriga Hindiya Oo Is Daldashay

Tuesday - June 4, 2013

Gabadha Jiah Khan oo kamid ah haweenka jilayaasha ah ee sida weyn loogu yaqaan filimaanta Hindiga ayaa la xaqiijiyey in maalinti Isniinta laga helay meydkeeda gurigooda ku yaal magaalada Mumbai ee dalka Hindiya (India).

Jiah Khan oo magaceeda runta ah yahay (Nafisa Khan) ayaa la sheegay in ay is dal-dalshay, sida ay xaqiijiyeen Booliiska magaalada Mumbai .. Meydka atariishadan ayaa la sheegay inay heshay Hooyadii dhashay.

Hooyadeed iyo walaasheed ayaa helay meydkeeda Nafisa Khan, kadib markii ay guriga tageen xalay 11kii fiidnimo ayaa lagu yiri warbixinta Booliiska la siiyey
Jiah Khan ayaa ahayd 25 sano jir, waxaana geerideeda si weyn uga naxay Jiliyaasha filimaanta Hindida ugu caansan iyo shacabka dalka Hindiya. Waxaa ka mid ah dadka sida weyn uga naxay Atoorihii ay wada dhigeen filmikeedii ugu horeeyay Jilaaga Amitabh Bachchan oo ay Somalidu u taqaan (Cali-Dheere).

Haweenaydan ayaa kusoo kortay dalka Ingiriiska, illaa iyo hadana lama yaqaan waxa sababay inay is dal-dasho, laakiin booliiska ayaa sheegay inay baaritaan ku wadaan geerida haweenaydan

Waxaa la sheegay Actrishadani in ay Barta Twiter Ku qortay Inay Soo Afjarayso Nolosheeda taaso Kumanan Shacaba Ka Naxeen hadalka ay Ku Qortay bartaas Ee Ah Inay Nafteeda Dilayso Noloshana Soo Afjarayso.