Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 17 July 2025

Madaxweyne Axmed Islan Madoobe Oo Gaaray Nairobi

Thursday - June 6, 2013

WAR DEG DEG AH: Madaxweynaha Jubbaland oo Nairobi u duulaya Mardhow, lana kulmaya Xasan Sheekh & Madaxweynaha Puntland(Warbixin)
June 6, 2013 9:29 am GMT - Written by PP - Edited by PP
Print Print

War deg deg ah: (pp)-  War mar dhaw soo gaaray shabakadan ayaa xusaya in mafdaxweynaha Jubaland Axmed Madobe u gaaray magalada Nairobim halkaas wararka qaarkood ay sheegayaan in soo dhaweyntiisa garanooka dayaaradha ay ku soo dhaweyn xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya iyo kua ka tirsan dawlada Fedaraalka somaliya, waxaa kalo warku intaa raacinaya uWarar hordhac oo naga soo gaaray gudaha magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in hada Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo uu ku sugan yahay Madaxweynaha Jubbaland State iyo Wafdi uu hogaaminayo, iyagoo saacadaha soo socda gaaraya Caasimada dalka Kenya ee Nairobi.

Madaxweynaha Jubbaland iyo Wefdi uu hogaaminayo oo mardhow u dhoofaya Nairobi

Madaxweynaha Jubbaland iyo Wefdi uu hogaaminayo oo mardhow u dhoofaya Nairobi

Wararka ayaa intaas ku daraya in Xasan Sheekh Madaxweynaha Puntland iyo dowlada Kenya uu ka socday inay dhex dhexaadiyaan Madaxda Jubbaland State iyo isaga , kaddib markii uu ka soo horjeestay dhismaha maamulka Jubbaland oo dhidibada loo taagay 15 may 2013-ka.

Safarka Madaxweynaha Jubbaland ee ku aadan Nairobi , kala soco Puntlandpost.com, waqti waba .