Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 17 July 2025

Xukumada Somaliya Oo Sheegtay Ineyn Wada-hadal Cusub Ka Galeyn Arimaha Ku Saabsan Bada Somaliya

Thursday - June 6, 2013

Muqdisho-Golaha wasiirrada Soomaaliya oo maanta kulankoodii toddobaadlaha ahaa ku yeeshay Muqdisho ayaa waxay kaga hadleen dhererka xuduudaha badda Soomaaliya, iyagoo go’aanno arrintaas ka soo saaray, Iyadoo warsaxaafadeed ka soo baxay kulanka lagu yidhi:

Xukuumada federaaliga Soomaaliya waxay ayidsan tahay go’aankii uu 01-dii Ogoosto ee sannadkii 2009 uu gaaray baarlamaanka Soomaaliyeed ayna ku diideen xildhibaannadu is-fahmakii doodda looga furayey xadeynta biyaha badda Soomaaliyeed. Is-afgaradkaas oo ka dhacay Nairobi 07-dii April, 2009 uuna saxeexay wasiirkii xidhiidhka caalamiga ee DFKMG iyo wasiirka Arrimaha dibadda ee Kenya. Is-afgaradkaas oo baarlamaanku uu ku sifeeyay waxba kama jiraan (Null & Void).

Sida ku cad qoraalkii ka soo baxay Qaramada Midoobay 12-kii March, 2010 ee ay ku caddeeyeen in Is-fahamka (MOU) dhex-maray DFKMG iyo Kenya uu yahay mid aan la cuskan karin kaddib markii baarlamaanka Soomaaliya uu diiday, sidaas daraadeedna waa in loo tixgeliyo mid aan lagu hawlgeli karin ama la cuskan karin.

Xukuumada federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga Qaran ee badaha Law No. 37 ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200-mayl iyo continental shelf. Waxayna dawladda Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha adduunka ee ay wax ka saxiixday 24-kii Luuliyo 1989-kii, iyadoo aan ka tanaasulin sharciga Qaran.

Xukuumada federaaliga Soomaaliya waxay caddeyneysaa inaysan wadahadal cusub ka galay arrimaha ku saabsan badda Soomaaliya; gaar ahaan dib-u-qeexida iyo xadeynta xeebta Soomaaliya.

Dhanka kale, dowladda Soomaaliya waxay caddeyneysaa inay ka go’an tahay xoojinta cilaaqaadka iyo iskaashiga soo jireenka ahaa ee labada Kenya iyo Soomaaliya. Waxayna dawladdu soo dhawaynayaa wadashaqeynta labada dowladdood ee la xiriira dhanka dib-u dajinta qaxootiga Soomaaliyeed iyo xoojinta ammaanka xuduudaha labada dal wadaagaan.