Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 17 July 2025

Madaxweyne Xasan Sh. Oo U Socon-weyday Ku Tala Galkii Uu Is Lahaa Cirbaha Goo Jubaland

Thursday - June 6, 2013

Nairobi-Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegaya in u natiijo aan ficneyn kala kulmay kulamadi u Nairobi kula kala yeeshay madaxweynaha Kenya iyo madaxweynaha Puntland C/raxman faroole .. warar lagu kalsoonaan-karo oo ka soo duulay odayaal siyaasiyiin ah oo ku sugan magalada Nairobi xiriirna la leh dhincyada siyaasiyiinta Kenya iyo Puntland ay ka warbixiyeen in madaxweynaha DF ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud uu kulankiisi labada jeer madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyaata u kala kulmay natijo rajo xumo iyo waji gabax.

Wararka hoose ee kulanka labada madaxweyne laga helayo ayaa tilmaamaya in Xasan Sh Maxamuud hadal iyo harddiba uu isku dayay in Uhuru uu dabco kana dhaadhacsiiyo in dawladda Keenya aysan taageerin maamulka Jubbaland, oo lagu gacan siiyo sidi hilbaha Jubaland habar-dugaag uu ugu casumi-lahaa, taasoo madaxweynaha Keenya uu kaarka ku rogay kuna micneeyay soo-jeedintaas wax aan laga laaban karin, isla markaana ay ku qoran tahay dastuurka ay dhawaanta Soomaalidu ku heshiisay, isla markaana madaxweyne Uhuuru uu si cadeeyey Xasan in qaban-qaabadaas maamulkaas Jubaland u soo dhutinaayey mudo 2 sano iyo ka badan, waxuuna madaxweyne Uhuuru Warkiisi ku soo koobay oo Yiri " Mudane madaxweyne Xasan Jubaland Wey Dhaqaaqday"

Shirka labada madaxweyne oo marka hore qodobadiisa ay u badnaayeen ka hadlidda arimaha siyaasadda gaar ahaan maamulka jubbaland ayaa markii danbe loo dhalan rogay dhanka qaxootiga Soomaalida ee ku nool Keenya, taasoo loo filan karo dhan rogaal siyaasadeed oo uu ciyaaray madaxweyne Xasan si aysan warbaahintu u falan qayn fashilka arinta Jubbooyinka kaga yimid.

Magaalada Nairobi ayaa muddo waxaa ku sugan madaxweynaha dhaq-dhaqaaqa fedaraal-doonka ahna madaxweynaha Puntland Dr. C/raxmaan Faroole oo xoojinaya taageerida iyo dhaqan galka jubbaland ayaa isna caawa dhiniciisa la kulmay Madaxweyne Xasan Shiikh, waxaana la sheegay in muddo markii ay wada hadlayeen ay ugu dambeyn shirkii ku kala boodeen " Xasan Shiikh ma laha madax hadal galo iyo aqoon siyaaso u kordheysa, Ninka aan waxa socda aan garan, waxa imaan-doona in uu ka sii fakaro haba sheegin" sidaa waxaa yiri C/faroole oo shirka ka gadaal faallo ka bixiyey