Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 17 July 2025

dagaal ka dhacay Kisimaayo Iyo Dawlada oo Ku Furtay Dacaayad Qabiil Ka Uraayo

Friday - June 7, 2013

Kismaayo: Saaka iyo duhurnimadi Jimcadi ayaa la sheegay in goob lagu magacaabo dalcada oo magalada kismaayo geeskeeda ah ay ka bilaabatay isku dhac nin u dhashay beesha Coramale oo markaas u socday inu booqdo wafdiga ka socda dawlada oo ay ka hor istaageen niman maleshiyo daacad u ah Axmed Madoobe, dabadeed murankii Qir iyo Qir iyo is qoonsi labada dhinac ka dhashay ayaa keentay in Rasaas la furo oo halkaas laba Nin oo dhinac Coramale wax ku noqdeen, waxaase dadku la socon in ciidamada Axmed madoobe ay ka mid yihiin maleeshiyo u dhashay beesha Coramale oo abaanduulahaba u yahay Nin U dhashay reerkaas

Dagaalkaas macnadarada ah ayaan weli faah faahin Rasmi ah laga heyn khasaaraha ka dhashay, laakiin wax badan oo wararka mala-awaalka ah ee warbaahintu ay halkaas ka fidineyso ayaa inta badan waxba ka jirin, waxaase lala cajabay maan xumada iyo sida hogaanka dawlada Fedaraalka uga beer naxeyn shacabkeeda balaayo aan jirin u tiraabeysa, shuushuu iyo mashxarad ku harqisay dacalada caalamka si dagaalka u sii balaarto habaaska duulo si lagu kufiyo maamulka Jubaland,

halkaas laga soo tabinaayo oo inta badan xiisado lagu abuuraayo

Magaaladda Kismaayo waxa ku sugan Ciidam AMISOM, hase yeeshee waxa la sheegayaa in aanay ku filnayn sugida Amaanka magaaladda.