Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 17 July 2025

Marxuum Sadaam Xuseen Oo Ka Tagay Murti Dareenka Dadka Si Weyn U Taabatay Taariikhdana Lagu Xardhay

Saturday - June 8, 2013

Dharaarti subaxnimda ee la daldalaayey Sadaam Xuseen, ka hor xiligi habeenka ahayd waxaa qolka uu ku oodnaa irida ugu soo galay sarkaalkii Mareykanka ee sida gaarka nabadgalyadiisa u qaabilsanaa, waxuuna u sheegay in jaanis u haray usan jirin oo beri aroorti la daldali-doono sidaa daraadeedna ayuu Af macaan ku yiri; wixii caawa aad rabto sooryo axsaan lii ah ayaa lagugu maamuusaya ee sheego?.

Sadaan Xuseen oo jawaab siiyey sarkaalkii ayaa yiri; waxaan doonaya in la ii soo celiyo kaboodkii dhaxanta ee aad horay iga qaadeen .. Sarkaalkii oo ka yaaban dalabka noocaan ah ayaa ugu jawaabay oo yiri; Sadaam dalabkaaga waa aqbal , laakiin waxaan ka codsanaya inaad ii sheegto ujeedada iyo sababta aad u dooneyso kaboodka dhaxanta oo kaga xiran.

Sadaam Xuseen oo qalbigiisa baqasho aqoon, isagoo hadalkii mar kale Qaatay ayuu ka jawaabay su'aashi sarkaalka waxuuna ku yiri; waxaa caado ah magalada Baqdaad in aroorti ay tahay qabow oo ay dhici karto qaboowgaas dartiis aan la Qarqaro, sidaa darteed ma doonaayo anigo qabow la dubaaxinaaya in shacbka reer ciraaq ay ii yiraahdaan: Sdaam Godka horti nafba kuma jirto oo waxuu la Qarqaraya cabsi u ka baqayo daldalaada ku socota..

Sadaam Xuseen iyo inti maxkamadu ku socotay balse aysan ku dhawaaqin daldalaadiisa, waxuu ogaaday sida xaal yahay iyo in tiisi dhamaatay oo qaabka wax u socdaan lagu xukumi-doono daldalaad, sidaa darteed waxuu maskax gun weyn ku sheegay Erey murti ah oo qiimaheeda waqtiyadaan taariikhda lagu xardhay, waxuu yiri; aduunyada waa harkaas, hirba hir bu daba-socda .. Aniga Mareykan ayaa ii daldalaya, laakiin munaafaqiinta madaxda carbeed ee jarta loo dagaayo ha ogaadaan waqti ay noqotaba in shacabkooda ay daldali-doonaan.

Is badalka maanta ku dhacay caalamka carabta iyo duruufaha siyaasadeed ee maanta taagan iyo waxaa dhacaya xusuus waa wixii uu saadaasha ku sheegay Sadaam Xuseen oo in badan dareenka dadka si weyn u taabatay.

Ninkii gardarada, wanaaga iyo Magaca intaba lahaa ee Sdaam aan la soo celin jirin wixii afkiisa ka soo baxana la kala boobi jiray jawharada maska Qaaliga ahaa .. allahayow maxaa ciida lagu rogay wadani geesi ah.