Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 17 July 2025

Hogaan Kaliya By Prof. Cabdisalaam Yaasiin

Sunday - June 9, 2013

Shirkad Jabaan ah iyo shirkad Maraykan ah ayaa ku heshiiyay in ay ku tartamaan laba huuri oo la dhex marinayo webi. Shirkad weliba koox ayay u soo soocday tartannkii; tababar weyn way siisay intii aanu tartanku bilaabmin.

Tartankii ayaa bilaabmay; waxaana badisay kooxdii shirkadda Jabaanka.

Shirkaddii Maraykanka ahayd aad bay ugu xumaatay khasaarahaa ku dhacay kooxdeedii; waxanay go’aansatay in baaritaan lagu sameeyo sabata looga badiyay.

Guddi ka kooban maamulkii sare ee shirkadda ayaa baaritaankii loo saaray.

Guddidi markay baaritaankii dhamaysay warbixin bay soo gudbiyeen.

Warbixintii waxay ku muujiyeen in huurigii Jabaanka iyo huurigii Maraykanka laba hab oo kala duwaan loo waday. Huuriga Jabaanka waxa ku joogay sideed wade iyo hal hogaan; ka Maraykanna waxa ku joogay sideed hogaan iyo hal wade!!!