Maleeshiyadkii Korneyl Baasto Ee Dantu U Run Sheegtay Oo Nabad, Sabeyn Iyo Raali-galin Keentay
Tuesday - June 11, 2013
Kismaayo Waxaa la soo tabinaaya in wafdigii uu horkacayay Madaxweynaha Dowlada Jubaland oo maalmahaan howlo shaqo ku joogey Nairobi la filaayo goor dhow oo maanta ah dib ugu soo laban doona xarunta Kismaayo, waxaana iminka Garoonka Diyaaradaha ku sugan Madaxweyne Ku xigeenka Jubaland Jeneraal Farataag iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Jubaland oo soo dhaweynaya Wafdiga.
Dhinaca kale Xaalada Magaalada ayaa xasiloni wanagsan ka jirta waxayna kasoo kabaneysaa fadqalaladi iyo hagardaamadi dhowaan harqiyey Magaalada oo ay fashal kala kulmeen kuwi soo abaabulay
Xalay waxaa kulan Wada qaatey Madaxda Jubaland oo ay kamid yihiin Madaxweyne Kuxigeenka iyo Saraakiisha ciidanka oo la shirey Odoyaasha garcasta Beelaha haybta Gaaljecel iyo Cawramale waxayna Odoyaashu shegeen iney diyaar u yihiin iney garab istaagaan Ciidanka kana hortagaan isku day dambe oo magaca Beesha lagu dagaal galinayo dhalinyarada.
kulanka faaqidaadisi ayaa is afgarad ku dhamaadey, waxaana dib loo balamay Caawo marka uu Madaxweynaha iyo Wafdigiisu yimaadaan in la kulmo, si loo dhameystiro wada hadalkii socday.
Odoyaashu waxay cadeeyeen kana dagaalamayaan in Beelohoodu aysan Dagaal galin balse magac ahaan la adegsadey iyadoo ujeedo fog laga leeyahay ayna Dabada ka soo riixayaan Siyaasyiin jooga Muqdisho. oo falsafadoodu tahay in la isku dhaco
Dhinaca kalana Waxaa soo xoogeysanaya wararka Dhawacyada Muqdisho loo qaadey oo la sheegayo iney ahaayeen ilaaladii Wasiirka Gaashaandhiga iyo kuwa duuni raaca oo dagaalka dhinac kaga jiray kuwasoo ku dhawacmey dagaalka ay kula jireen Ciidanka jubaland, waxaana Meydad laga heley goobihii lagu dagaalamay kamid ahaa laba nin oo Wasiirka Hotelka la joogey kuwasoo dharka Ciidanka gashanaan jirey balse Meydkooda waxay qabaan dhar caadiya.