Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 17 July 2025

Madaxweyne Xasan Sh. Iyo Dawladiisa Oo Laga Talaalay Cudurka Dabeysha Iyo Xajiimaha Kisimaayo

Tuesday - June 11, 2013

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheikh Cusmaan (Jawaari) iyo Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa maanta lagu talaalay Xarunta Caasimada Soomaaliya ee muqdisho .waxaana laga tallaalayaa tallaalka Dabeysha oo ay iyaga isku hor-tallaaleen warbaahinta horteeda.

Warar kale ayaa sheegaya in dadkii qaar ka mid ah dadkii Goobta fadhiyey ay hoos isugu sheegayeen in laga talallaalayo Xanuun Kismaanyo ah oo ay Dawladu Kismaanyo mooyee wax kale ka hadlaynin ama ku mashquulsanayn.
Madaxweynaha ayaa Talaalka loogu daray Hal garoojo oo afka ka qaatay kaasoo isagu loogu daray bal inay ka dawayso Xanuunka Jubaland oo si ba an madaxa uga galay. Xanuunkan ayaa waxaa uu welwel ku riday Madaxda Dawlada iyagoo cabsi ka qaba inay Kismaanyo dhaafiso waxqabadkii Shacabka