M/weyne Axmed M. Islam Oo Kor Iyo Hoos Soo Raajiciyey Siyaasadi Dibada Oo Dib Ugu Soo Laabtay Kis..
Wednesday - June 12, 2013
Kismayo: Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Jubaland Ahmed Mohamed Islam ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Kismayo ee xarunta Kmg ah ee Dowlada Jubaland,Kadib Safar howla shaqo oo Madaxweynaha uu mudda ugu maqnaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Madaxweynaha Jubaland ayaa kulumo diblumaasiyeed la soo qaatay Wakiilka Qaramda Midoobe u fadhiya Somaliya Nicklas Kay, Dublamaasiyiin dowladaha Mareykanka iyo Yurub , Madaxda dalka KENYA, Madaxweynaha Puntalnd , sida la sheegeyna dhamaan kulumadaasi oo looga wada hadlayay arimaha Soomaaliya iyo gaar ahaan Jubaland ayaa waxaa lagu kala qaatay afkaar iyo aaraa ku sal leh u hiilinta sharciga iyo dastuurka u yaala dalka Somaliya waxayna ku soo idlaadeen naatiijo wanaagsan.
Madaxweyne Ahmed ayaa haatan dib ugu soo laabtay Kismaayo,iyadoo maanta iyo Beeri lagu wado in lagu soo dhameystiro qeybaha harsan ee dowlada Jubaland State,Sida Baarlamaanki iyo golaha Wasiirada. Kadib Madaxweyne Ahmed ayaa lagu wadaa in uu safar ku aado dalka Itoobiya.