Askari Ka Tirsan Nabad ilaalinta AMISOM Oo Ku Edab Darooday Taliyihii C. Poliska General Saacid
Wednesday - June 12, 2013
Mogadisho: Arintaan ayaa dhacday kadib markii uu Taliyaha damcay in uu Gudaha u galo Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho balse askari ilaalada ahaa ayaa Taliyaha u diiday uu gudaha u galo Garoonka.
Generaal Saacid ayaana la sheegay in uu cod dheer ah ku yiri waxaan ahay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyed, Balse Askarigii iyo askari kale oo ku soo biiray markii dambe oo isna ka tirsan AMISOM kaaso gacan Qaaday General Saacid una sheegay in uu dibada taagnaado amarkiisana uusan ka shaqeyn Garoonka Diyaaradaha.
Falkan ay labada askari ku gardareystay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Generaal Saacid ayaa timid wax yar ka hor markii la isku diyaarinayay in Garoonka Aadan Cadde lagu soo dhoweeyo wafidi ka socday Beesha Caalamka.
Arinta ugu yaabka badan ayaa ah in goobta lagu didaayey Taliyaha Booliska Soomaaliya Generaal Saacid , uu ka agdhawaa Madaxweynaha Dowlada Federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ilaa iyo Hada aysan dawladu ka hadlin.