Shirkadi SKY Ee Maamuli Jirtay Garoonka Diyaaradaha Mogdisho Oo La Cayriyey Iyo Shirkad Turki Oo....
Thursday - June 13, 2013
Muqdisho (RH) Golaha wasiirrada ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay hindise-sharciyeedka duulista cirka iyo saadaasha hawada.
Kulanka oo shir gudoominayey Raiisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa looga doodday qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin: Hindise Sharciyeed ay soo gudbiysay Wasaaradda Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka, Shirakad Turki ah oo dhawaan lagu wareejin doono maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade, Dib-u-soo celinta feestooyinkii iyo qadarintii 26 June iyo 1-da Luuliyo, iyo Wasaarada Horumarinta iyo Adeega Bulshada oo soo jeedisay qabashada shir muhiim ah oo ku saabsan midaynta manhajka waxbarasho ee dalka.
Shirka goluhu markii uu soo idlaaday waxaa saxaafada uga warbixiyey qodobadii ka soo baxay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, B.Isgaarsinta iyo Gadiidka Mudane Cabdullahi Cilmooge Xirsi oo ugu horayntii ka hadlay ahmiyada uu leeyahay sharciga duulista cirka iyo saadaasha hawada.
Sharcigaan waxa uu kaalin mug leh ka qaadanayaa dib u hanashada maamulka hawada Soomaaliya , kobcinta dhaqaalaha, abuurida shaqooyin dalka gudihiisa, soo celinta sharafta iyo karaamada Soomaaliya, iyo xirfadlayaal sare oo dalku yeesho, waxaa xusid mudan in Wasaaraddu ku guulaystay in ay dib u la soo noqoto maamulka hawada Soomaaliya 22 sano kadib oo ay horay u maamulaysay Hayada ICAO ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka hawada ayuu yiri Wasiirku
Sidoo kale goluhu wuxuu goaan saday in shirkad laga leeyahay dalka Turkiga lagu wareejiyo maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade, waxayna shirkadaas balan qaaday in mudo sideed bilood gudaheed ah lagu soo kordhin doono garoonka isbadal dhan kasta ah, waxaana saddexdii sano ee la soo dhaafay gacanta ku hayey maamulka garoonka diyaaradaha shirkada SKA.
Dhanka kale goluhu wuxuu ayidday soo jeedinta Wasaaradda Horumarinta iyo Adeega Bulshada taas oo ah in la qabto shir looga hadlayo waxbarashada dalka oo dhici doona 18-20 bishaan June, kaas oo ay ka soo qayb galayaan qurba joogta, aqoonyahanada, culimo-u-diinka, iyo xubno ka tiran golaha wasiirada, waxaana wasaaraddu soo bandhigaysaa manhaj midaysan oo dalku yeelanayo.
Ugu danbayntii goluhu wuxuu isku raacay in maalmaha 26 June iyo 1-da luuliyo loo sameeyo dabaaldegyo balaaran oo lagu muujinayo qaranimada Soomaaliya, waxaa sidoo kale goluhu meel mariyey in dhamaan deeqaha dhaqaale ee dalka soo gala la soo marsiiyo Wasaaradda Maaliyadda iyo Qorshaynta Qaranka.