Itoobiya oo Ka Baxday Heshiiskii Biyaha Niilka Iyo Masar Oo Isu Diyaarineysa Dagal Kadis Ah
Friday - June 14, 2013
Addis ababa - Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay ka baxday heshiis la saxiixay waqtigii gumaysiga oo xaqa ugu badan ee adeegsiga biyaha webiga Niilka siinayo Sudan iyo Masar.
Dowladda Itoobiya waxay ku doodaysaa in heshiiskan, oo la siixay 1929-kii, uu waqtigiisu dhammaaday.
Dowladda Masar ayaa sheegtay inay si weyn uga soo horjeedda tallabadan ay qaadday Itoobiya.
Madaxweynaha Masar, Maxamad Mursi, ayaa horey u sheegay in dalkiisu ay u furan tahay waddo walbo oo lagu joojin karo dhismaha biya-xireenka ee Itoobiya ay ka dhisayso webiga Niilka.
Dadka reer Masar ee gaaraya 84-ta Milyan waxay gebi ahaanba ku tiirsan yihiin webiga Niilka.
Dowladaha ku yaalla Bariga Afrika ee uu soo maro webiga Niilka ayaa dhowr jeer oo hore isku dayay in dib looga hadlo qodobada heshiiska la saxiixay xilligii gumaysiga oo Sudan iyo Masar oo keliya u oggolaanayo inay dhisan karaan biyo-xireenno.
Heshiis ka baxa iminka Ethiopia ay sameysay ayaa daliil cad u ah inaysan marnaba ka laaban doonin dhismaha biyo- xireenka Niil, waxa lagu soo warramayaa in xiisaddii ka dhex oogneyd iyaga iyo Masar ay gacan ka hadal ku dhawdahay haddii aan xal deg deg ah loo helin.