Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 17 July 2025
Galdogob Times
Menu
Home
Qur'an
Heeso
Gabayo
Contact Us
War-saxaafadeed: Ururka SAHAL Oo Jawaab Cad Ka Bixiyey Shirki Shirqolka Ahaa Ee Ka Dhacay Nairobi
Saturday - June 15, 2013
Ururka Sahal ka dib markii uu u kuurgalay shir saxaafadeed ay 14-6-2013 magaalada Nairobi ku qabteen Xuseen Carab Ciise, Maxamuud Guure iyo xulufadooda kaasoo loogu talogalay in beesha caalamka looga dhaadhiciyo inaan wax maamul ahi ka jirin Jubbaland isla markaasna ay dawlada Xasan Shiikh uga helaan boosas wasiirnimo. Sidaasi darteed waxuu halkaan kusoo bandhigayaa bayaan adag oo looga digaayo cawaaqib xumada ay arintani keeni doonto hagardaamada iyo khiyaanada ay wadaan nimankan isku magacaabay xildhibaano loo xilsaaray arimaha Jubbaland:-
A) Waxaan ummadda Soomaaliiyeed la socodsiinaynaa in Xuseen Carab Ciise uusan habayaraatee ka hadli karin, isla markaasna uusan matali karin arimaha Jubbooyinka waayo ma ahan xildhibaan doorasho ku yimid waxuuna kasoo jeedaa magaalada Hargaysa, haddii uu dad wax u qabanaayo waxaa waxqabad iyo difaac uga baahan dadka ku nool Somaliland (waa haddii awoodi karo inuu Hargaysa tago). Dhinaca kale hadalkii Xuseen Carab Ciise ka sheegay shirkii jaraaid waxaa ka mid ahaa
Ujeedada aan shirka u qabanay waa in beesha caalamka aan ka dhaadhicino wixii xildhibaanadii tagay Kismaayo waxay kusoo arkeen, iyo in caalamka lagu booriyo in laga qaybqaato shirka dib u heshiinta dawladu ku qabanayso magaalada Muqdisho
Waa nasiib darro in Xuseen Carab Ciise uusan soo hadal qaadin dagaalkii ay dawlada beesha Muqdisho ay dhowaan ka rideen magaalada Kismaayo kaasoo ay si toos ah u hogaaminayeen Cabdixakiim Xaaji Fiqi, Xasan Shiikh iyo xulafadiisa. Ugu danbayntii ururka Sahal waxuu gacanta ku hayaa cadeyn muujinaysa heerka qabyaalada iyo iska horkeenka uu Xuseen Carab Ciise ku hayo ummadda Soomaaliyeed ee kasoo jeeda gobolada Jubbooyinka iyo Puntland taasoo uu ka xun yahay horumarka iyo maamul wanaaga ay ku dhaqmaan dadka ku nool goboladan. Sidaasi darteed, Xuseen Carab waa nin aamisan fikirka HAG iyo SNM, waana qof aan ka hadli karin arimaha Jubbaland;
B) Ururka Sahal cambaaraynayaa erayada iska hadalka ah ee kasoo yeeray Maxamuud Guure kaasoo sida lala socdo xubin sare ka ah ururada HAG iyo xisbiga Damul-jadiid ee Xasan Shiikh isla markaasna aan matali karin arimaha gobolada Jubbooyinka. Hadalada Guure waxaa ku jiray qaar ka baxsan dastuurkii lagu soo dhisay dawlada hadda dhicisay, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa:
Sida dastuurku na faraayo wadanka waa in gobol-gobol loo dhisaa, tusaale ahaan Hiiraan waa la xoreeyey maamul ku meel gaar ah ayaa loo dhisay, Bay waa la xoreeyey maamul ku meel gaar ah ayaa loo dhisay, Shabeelaha Hoose waa la xoreeyey waa in Soomaalida loo sheego qaabka loo raacaayo fadaraalka iyadoo dawladu horseedayso nabadaynta iyo xoreynta Soomaaliya
Hadaba hadalada uu Guure ku hadlay waa kuwo sharci darro ah oo khiyaano qaran ah waayo habayaratee dastuurkii la isku ogaa 1/8/2013 kuma qorna in gobol kasta laga sameeyo maamul ku gaar ah ka hor intaan loo gudbin dhisitaanka maamul goboleedka. Ururka Sahal waxuu u arkaa in hadala Guure ay qayb ka yihiin qiyaanada iyo hagardaamada Xasan Shiikh, HAG iyo Damal-jadiid ay ku rabaan inay ku af-duubaan dastuurkii ay ku heshiisay ummadda Soomaaliyeed isla markaasna ay qayb ka yihiin istiraajiyada la rabo in lagu dagaalamo dadka kasoo jeeda Jubbaland;
C) Ururka Sahal waxuu si cad u cambaareynayaa hadalada iska hor imaanaaya ee kasoo yeeray mabdalaawe Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil kaasoo shirka jaraaid ka sheegay in ujeedada ay Kismaayo u tageen ay ahayd sidii lagu dhisi lahaa maamul goboleed loo wada dhan yahay. Waxaan la soconaa in ururka Sahal iyo qaar ka mid ah jaaliyada Soomaalida ay 2dii Janaayo 2013 magaalada London ugu qabteen xaflad soo dhowayn ah Cabdiraxmaan Xoosh Jibrill, waxuuna Cabdiraxmaan Xoosh si cad u sheegay in dadka hadda hogaanka dawlada u haya ay yihiin danaysteyaal, dadka Muqdisho jooga aysan dawlad rabin isla markaasna dawlada Xasan Shiikh ay ku tumatay dastuurkii lagu heshiiyey isla markaasna si qarsoodi ah wax looga badalay dastuurkii lagu heshiiyey. Hadaba Cabdiraxmaan Xoosh ma 2-1-2013 ayuu runta sheegay mise 14-6-2013 ayuu saxan yahay? Nasiib darro ururka Sahal waxuu arintan u arkaa mid ka suurtagasha qof caado-qaate ah isla markasna ay sharaf darro ku tahay in Cabdiraxmaan Xoosh masiirka ummadda Jubbaland ku badasho balanqaad boos wasiir looga balanqaaday dawlada Xasan Shiikh taasoo ku dhow inay dhowaan dhacdo;
D) Ururka Sahal waxuu kasoo horjeedaa gudiga xuduudaha iyo samaynta maamul goboleedyada ay rabto inay samayso dawlada Muqdisho waayo sida ku cad dastuurka fadaraaliga ah gaar ahaan qodobka 138aad, 140aad waa in gudigan lagu sameeyaa muddo 90 maalmood ah laga bilaabo maalintii la dhisay dawlada. Sidaasi darted, ururka Sahal waxuu gudigan u arkaa mid darro ah, waqtigiisii dhacay isla markaasna loo samaynaayo xujo looga hortagaayo inuu hirgalo maamulka goboleedka Jubbaland;
Ugu danbayntii ururka Sahal waxuu uga digayaa nimanka sheeganaaya xildhibaanada ee kala ah Xuseen Carab Ciise, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, Maxamuud Guure, Cabdullaahi Qoodax Barre iyo kooxda kale ee la socota inay fidno ka dhex abuuraan dadka ku dhaqan gobolada Jubbooyinka waayo maanta waa luntay kalsoonidii loo hayey Xasan Shiikh iyo xulufadiisa isugu jira HAG, Damuljadiid iyo ALshabaab.
Maqaalo Articles
Waa Xaqiiqa Ninba Kadabkii Loo Qoray ILaah Wuu La Kulansine .. Maxaad Ka Ogtahay Mucjisadi U Ku Dhashay Madaxweyne Putin
Full Story
Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow .. Wax Bixinta Ugu Fiican Waa Mida U Qofku Bixiyo Isago Baahan .. Maal-qabeen Bill Gates Ayaa La Weydiiyey Haddi Uu Jiro Qof Isaga Ka Qanisan
Full Story
Ninba Si U Dhimay .. ILaah Wax Aan Aheyn Oo Wax Dili-kara Ma Jiro .. Qisadi Ninki ka badbaaday Rasaasti Araxan-darada Ee Korkiisa Lagu Shaandheeyey .. Meyd Baa Looga Tagay
Full Story
Allahayow Badbaadadaada Ha Ku Xiran Nin Beer Adag Iyo Bahalo Aan Nixin .. Qisadi Tuugi Day-Deyga Lagu Yiqiinay Oo La Arkay Isago Janada Socod Ku Dhex Mushaaxaya
Full Story
Qiso Dhacday Waqtigi Nabi Muuse .. Roob La'aanti Ku Dhacday Reer Bani-israaiil Iyo Sababti Keentay .. Ceebti Eeebe Astuuray
Full Story
Ruuxi Aan Taariikhda Awooyaashis Wax Ka Ogaan Waa Mid Aan Xoolaha Dhaamin .. Weligaa Ma Is Weydiisay Sidee Beesha Leelkase Ku Soo Degeen Galdogob
Full Story
Qiisadi Malabka .. Shiikh Ibn Siiriin: Khasaaraha Dhacay Waxaa ii Keenay Dambi Aan Ciqaabtiisa Sugaayey Muddo 40 Sano
Full Story
Waa Cashar Wacan Oo Lagu Cibrad Qaato.. Nin Lagu Badbaadiyey Qori Kibriid Ah
Full Story
Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow .. Waa Qiiso Dhaba .. Waa Qiisadi Iga Oohisay
Full Story
Akhbaarti Nabi Muxamed SCW .. Laba Nin Qadaad-Weyn Xoog Iyo Muruqyo Ku Dhan Oo La Yiri So Qabta Nabi Maxamed SCW Iyo Filan-waagi Ka Hor Yimi
Full Story
ILaalinta Ballantu Waa Masuuliyad Muhim Ah Oo Xisaabtan iyo Is Weydin La imaan-Karta .. Nin Taajira Oo Dayacay Ballanti U Sameeyey Iyo Dhibki U Geystay
Full Story
Xikmadu Waxay Ku Jirta Qofkii ILaahay Caqli Galiyo Ee Garka Weyn Oo Kaliya Kuma Jirto .. Qiiso Dhex Martay Nabi Salemaan CS Iyo Shimbir Iyo Nin Gar-Weyn
Full Story
Gulufki Colaada Sacad Iyo Leelkase Turun-Turootay Ee Sii Tukhaan-Tukhiya .. Leelkase Iyo Sacad Haddey Nabadi Dul Timi .. Bootadi Ahayed: Kaalay Iga Qaad Iyo Ma Adaa Ku Dhaca Fagaara Lagu Bireeyey
Full Story
Xujadi Ugu Adkeyd Ee Nin Soo Marta .. Shiikh Balad Carbeed Oo Gabar Badwiyad Ah Qalbigisa Gashay Xod-Xodo Baas Ku Qabtay Iyo Xujo Adag Oo Ay Hordhigtay.
Full Story
Sheeko Dhaqameed .. Waraabe Baa Laga Sheegay: ILLa Canka Subagu Soo Qubo Ma Qaboobaayo
Full Story
Qaranimadi Somaliya Waxaa Maanta Ku Dikaday Takfi Iyo Kutaan Qol Madow Loogu Xiray .. Iyo Sida Siyad Bare Uga Diiday Shirkadihi Shidaalka Mareykanka In Loo Buuxiyo Doollar Sidi Dooga U Baxa
Full Story
Waa Cibaaro U Baahan In Dib Loo Jaleeco .. Ragi Qooqay Boqor Hayle Selaase Ee Sida Xun U Dhintay
Full Story
Akhbaarti Zamaanki Hore .. Waxshigi-Dugaaga Ee Dilay Xamze Bin Cabdi Mudalib Oo Ka Sheekeeyey Hoogi U Dhigay
Full Story
Waa Sheeko Dhex Martay Nabi Maxamed CSW Iyo Nin Reer Baadiya Ah Oo Yiri: Alle Waan Xisaabin Haddu ii Xisaabiyo Iyo Jawaabti Xag Alle Ka Timi
Full Story
Rabi Wuxuu Yiri: i Barya Waan Idin Dhago-Nuglaane .. Bal Eeg Qisadaan Cajiibka Ah Iyo Sida Eebe U Aqbalay Ducadi Adoonkiisa
Full Story
Qiiso Cajiib Ah .. Nin Gaal Ah Oo U Soo Islaamay Inu Hurdo Helo Kaliya
Full Story
Butin Iyo Gacal Doorashadiisa .. Quruxley Jaaheeda Aan Laga Jeesan-karin Sodon Magac U Qalanta Oo Gashay Qalwadi Valdmir Butin
Full Story
Qiso Cilmi Iyo Xikmad Ku Guda Jirta .. Alle Wuxuu Yiri: Aniga Waxaan Agtiisa Ahay Malaha Adoonkeygu Iga Fillaayo
Full Story
Waa Qiiso Kaa Qoslineysa .. Nin Eygiisa Qabuuraha Islaamka Ku Xabaalay Oo Anshax Xumo Lagu Soo Eedeyey Iyo Qaaligi Maxkamada Oo Sababo Lagu Qoslo Ku Sii Daayey
Full Story
Ninki Raga Madiina Ugu Qurxoona Iyo Wixii Kala Qabsaday Amiirki Cumar Ibnu Khidaab RC
Full Story