Rug-Cadaagi Dheesha Badiyey Madaxweyne Axmed Islam Madoobe Oo Maanta U Socdaalay Adis Ababa
Sunday - June 16, 2013
Kismaayo Kadib markii madaxda itoobiya ugu baaqday Madaxweyne Axmed Madoobe inu booqasho la tashi ku yimaado magaaladan Adisaba ayaa isago casumaadaas ka ajiibaya maanta waxuu ka dhoofay Garoonka diyaaradaha Kismaayo, waxaana socdaalkiisa ku waheliyey wafdi ballaaran oo ay ka mid yihiin xubnihii iyo saraakiishi qaarkood wax ka aasaasay maamulka Jubaland oo ka mida Prof. Gaandi, Jeneraal Darwiish, Mudane Aw-libaax, Cabdi Cali raage , Saalax Axmed Xuseen, Cabdi Isaaq Ibrahim filoow iyo kaaliyaha xafiiska Madaxweynaha .
Waxaa kalo la sheegay in wafdigaas Jubaland ay sido kale casumaad ka heleen gudiyada sar sare ee Midowga Afrika, waxay kaloo la kulmayaan Masuuliyiinta IGAD, oo halkaas looga hadli-doomo maamulka socda iyo dagaaladi qaawanaa ee maleeshiyadi hunnuushta hannaashta dhawaanta ku soo qaadeen maamulkaas .. Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe intuusan garoonka ka dhoofin ayuu halkas khudbad gaaban ka jeediyey oo u hadalkiisa ku sheegay in safarkiisu u la xariiro martiqaad u ka helay dawlada Itoobiya iyo IGAD oo ay ka wada hadil-doonaan arimaha Somaliya iyo gaar ahaan Jubaland.