Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 17 July 2025

Xog Deg Deg Ah-Saraakiil Ciidanka DF Iyo Kuwa Al-Shabaab Oo Siyaabo Kala Duwan U Jooga Masar

Sunday - June 16, 2013

London: Warar dublamaasiyadeed oo laga heley Qaar kamid ah Wadamada daneeya Soomaaliya sirdoonkooda ayaa sheegey in Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowlada Soomaaliya ay si qarsoodi ah ujoogaan Dalka Masar, waxaana safarkooda ka dambeeyey sirdoonka Masar, dhinaca kale wararku waxay sheegayaan in Magaalada Alexandria ay iyana joogaan sadex Sargaal oo ka tirsan Al-shabaab, waxaa iyana kuwaas soo xambaarey Sirdoonka Masar.

arintaan ayaa ka dambeysey ka dib markii Dowlada Federaalka iyo dowlada Masar ay xiriir hoose oo xoogan ay wada galeen, ka dibna Saraakiil ka tirsan Ciidanka Masar ay bishii hore booqdeen Magaalada Muqdisho.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Xiriirka noocaan ah ay shukaamintiisa ka dambeeyeen Dublamaasiyiin Soomaaliyeed oo gacan saar dhow laleh Madaxweyne Xasan Sheikh, lakiin lama sheegin cida ka dambeysey Xiriirka Al-shabaab iyo Masar dhex marey meesha uu ka yimid ama ka bilowdey.

Xogtaan oo ah mid xoogan waxay sheegeysaa in Magaalada Alexandria ay hada kusugan yihiin Saraakiil ka tirsan Xarakada Al-shabaab, wuxuuna Wadahadal u socdaa iyaga iyo Saraakiil ciidanka Masar ka tirsan, waxaana iyana goob joog halkaas ah soona abaabuley kulankaan Sirdoonka Masar ee loo yaqaan GIS iyo Sirdoonka Cidianka Masar ee loosoo gaabiyo SSIS

Saraakiisha Ciidanka Dowlada Federalka ah oo tiro ahaan lagu sheegey 5 ruux waxay iyana joogaan Xero Ciidan oo ku taal Magaalada Qaahira waxaana imaatinkooda soo abaabuley Hay’ada sirdoonka Masar ee marka lasoo gaabiyo looyaqaan GIS .
Warbixin dheer oo ay gacanta ku hayaan sirdoonka Ingiriiska ayaa lagu cadeeyey labadaan Wafdi ee ka kala socda Dowlada Federaalka ah iyo Al-shabaab joogitaankooda Masar.
Sida la qiyaasayo Masar waxay abaabuleysaa Dagaal ka dhan ah Itoobiya iyo waliba ciidamada Itoobiya ee jooga Soomaaliya.