Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka Somaliya Oo Ku Eedeyey DF Iney Ka Dambeysey Qulqulaatadi Kismayo
Monday - June 17, 2013
Mogadisho: xildhibaano ku hadlay codki shacabka Somaliya oo ka tirsan baarlamaanka fedaraalka ayaa dhalaaceyn dusha uga tuuray Dowlada federaalka kuna eedeeyey inay ka leexatay shaqadii iyo maamulki loo igmadey, Xildhibaanadu waxay si tosa Madaxweynaha ugu eedeeyeen inuu ku tuntay Dastuurka.
Waxay kalo xubnahaa baarlamanteriga Dowlada federaalka ku si eedeeyeen inay ka dambeeyeen dagaaladii dhawaanta Kismaayo ka dhacay, isla markaana xildhibaanadaa oo hadalkooda si wata waxay carabka ku dhufteen in Xildhibaanada dooda iyo dacwada ka furay magalada Nairobi ee lagu eedeynaayo maamulka ka dhismay Kimaayo ay tahay qeeyru sharci iyo talo aan laga fiirsan oo sharfta dalka meel uga dhacday
Dhinaca kale Xildhibanadaan oo intooda badan maanta goobta ka hadlay waxay hambalyo iyo taageero u gudbiyeen maamulka Jubaland iyo madaxda halkaas lagu doortay.