Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 18 July 2025

Dalalka Itoobiya Iyo Masar Oo Ku Heshiiyey Iney Wadaagaan Biyaha Wabiga Naiilka

Wednesday - June 19, 2013

Addis ababa - Masar iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyey in ay si siman u wadaagaan biyaha Niilka, kadib markii wasiirada arrimaha dibada ee labada dal ku kulmeen caasimada Itoobiya.

Dr Tedrso Adhanom iyo dhigiisa Kamal Camar ayaa sheegay in labada wadan isku afgarteen sidii kor loogu qaadi lahaa cilaaqaadkooda, islamrkaana isfaham laga samayn lahaa wax kasta oo khuseeya Masar iyo Itoobiya iyada oo la is aaminsan yahay.

Mar ay soo qaadeen biyo-xireenka keenay khilaafka labada wadan, waxa ay isla garteen in guddida caalamiga ahi, bilowdo wadatashi ay la yeelaynayso wadamada Itoobiya, Masar iyo Suudaan. Ujeeddada wadatashiga ayaa lagu tilmaamay in ay tahay mid horey loogu dhaqaajinayo codsiyo guddidu mar hore usoo jeedisay.

Xukuumadaha Addis iyo Qaahira ayaa labadii toddobaad ee la soo dhaafay ku jiray dagaal qabow oo dhanka afka iyo diblamaasiyada ah, kadib markii xukuumada Masar ay ka carootay dhismaha biyo xireenka Itoobiya.

Wasiirka arrimaha dibada ee Masar ayaa xukuumada Itoobiya soo gaarsiiyey walaaca ay ka qabaan raadka uu dhismaha biyo-xirku ku yeelan karo Masar, laakiin dawlada Itoobiya ayaa Masar u xaqiijisay in ay hubinayso in biyaha Masar gaara aan waxba loo dhimin .. Itoobiya ayaa mar kale ku celisay go'aankeedii ahaa in biyaha wabiga si siman loo wadaago wixii hadda ka dambeeya.
Labada wadan ayaa ku heshiiyey in la sii wado wadahadalada ku saabsan biyo-xireenka iyada oo lagu wado in wasiirka arrimaha dibada ee Itoobiya booqdo mustaqbalka dhow dalka Masar.