Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 18 July 2025

Inaa Lilaahi Wa Inaa ileyihi Raajicuun Waxaa Geeriyooday Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse

Monday - June 24, 2013

Inaa lilaahi Wa Inaa ilayhi Raajicuun .. Rabbi ha u naxaristee waxaa maanta oo taariikhdu tahay 24/06/2013 ku geeriyoodey dalka Finland Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse (King kong).

Boqor Cabdullaahi ayaa sanooyinkii dambe oo dhan ka abaarsanaa xaga fahamka iyo xasuusta , hasa ahaate muddo bil laga joogo waxaa ku soo booday xanuun kadiis ah oo xaga maskaxda dhiig uga furay halkaaso u ku jiray Isbitaal ku yaala dalka Finland oo u markii dambe ku geeriyooday
Boqor Cabdullahi Boqor Muuse ayaa ahaa nin aqoon yahan, caana ku ahaa cilmiga sharciyada isagoo jaamacad uga soo baxay dalka talyaaniga bilawgii lixdamaadkii qiyaasti 1964, waxuuna muddo dheer ka tirsanaa wasaaradi cadaalada ka hor xukunkii milatariga iyo kadiba, laakiin ugu dambeysti waxuu ku dambeeyey Qareen madax banaan oo carabkiisa ugu doodi jiray inta dulman,waxuu caan ku ahaa inu shaaca ka qaado halka ay ka bugto cadaalada

Sanadkii 1986 waxaa dhintey Aabihiis Boqor Muuse Yusuf Boqor Cismaan, markaas Boqor Cabdullaahi waxa uu ku jirey xabsiga, waxaana markii uu dhintey Boqor Muuse laga soo daayey Xabsigii uu ku jirey, iyada o xukuumaddii markaas jirtey sheegtey in ay cafis u fidiyeen tacsida darteed, dabadeed Sanadkii 2008-dii ayaa Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse loo caleema saarey in uu noqdo Boqorka Cismaan Maxamuud iyo guud ahaan beelaha Daarood ka dib markii uu dhintey walaalkiis Boqor Maxamud.

Ugu Dambeyn Bahdaan galdogob Times Media waxay tacsiyeynayaan eheladi iyo qaraabadi u ka geeriyooday marxuumkaas Boqr Cabdulaahi, waxaana leenahay:

- Alle haw Naxariisto

-Ha u nuuriyo Xabaasha

- Ha Ahaado Ku Naar Ka xorooba

- Janadi Ku Nagaada, Nabiga la Rafiiqa  .. Aamin Aamin