Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 18 July 2025

Warar Iskhilaafsan Oo Ka Soo Baxaya Halka U Jaan Iyo Cirib Dhigay Shiikh Xasan Daahir Aweys

Monday - June 24, 2013

Baraawe- Xigasho Calanka- Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya halka uu jaan iyo cirib dhigay Sheekh Xasan Dahir Aweys oo ka mid ah hogaamiyeyaasha Shabaab oo si qarsoodi uga baxay degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose, halkaasoo iska hor imaad ku dhex maray Khamiistii Maliishiyo ka wada tirsan Al-Shabaab.

Sheekh Xasan Dahir Aweys oo dhowaan dhaliilay go'aamada hoggaamiyaha Shabaab, kuna eedeeyay keli talisnimo, taasoo keentay in kooxo ka tirsan Shabaab ay weerar ku qaadaan degmada Baraawe oo fariisin u aheyd Xasan Dahir.

Caawa fiidkii ayaa qaar ka mid ah Idaacadaha Muqdisho waxay ka hadlayeen halka uu jaan iyo cirib dhigay Xasan Daahir, iyadoo wararka idaacadaha ay ahaayeen kuwo aad u kala duwanaa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Sheekh Xasan Dahir uu degmada Xarardheere ku gaaray Doon, ugana sii gudbay tuulo u dhow degmada Hobyo oo ka tirsan Gobolka Mudug.

Bogga taageera Shabaab ee Somalimemo ayaa wuxuu daabacay in Sheekh Xasan Daahir iyo saraakiil ka tirsanaa Xisbul Islaam ay doon ugu baxeen Baraawe.

Maalmihii u danbeeyay ayaa waxaa jiray wada hadalo u socday Dowladda Qatar iyo xubnaha Xasan Daahir uu hoggaamiyo, wada hadaladaasi oo lagu doonayo in Xasan Daahir iyo kooxdiisa ay ku soo biiraan Dowladda Soomaaliya.

Khilaafkan xooggan ee u dhaxeeya madaxda Shabaab ayaa mudooyinkii u danbeeyay soo shaac baxayay, wuxuuna isku badalay gacan ka hadal iyo in rag sar sare oo ka tirsan Shabaab la xir xiray, halka qaarkoodna lagu dilay gudaha Baraawe.