Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 18 July 2025

Madaxweyne Axmad Madoobe Oo Adis Ababa U Dulay

Tuesday - June 25, 2013

Nairobi: War laga soo xigtay siyaasiyiin ka agdhaw Madaxweynaha Dowlada Juballand Mudane Axmed Maxamed Islaan ayaa sheegay inu maanta u duuley dhinaca Adis ababa si halkaas uga qayb galo Shirkii Jubaland iyo Dowlada Federaalka oo la saadaalinaayo inu beri Adis Ababa ka furmi-doono.

Sida warku xusaayo dhinaca Dowlada Federaalka waxaa shirka uga qayb galaya Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdikarim iyo Wasiirka Madaxtooyada faarax .. laakiin dhinaca maamulka Jubaland ayaa talo wada jira ku go'aansaday in shirka ka qayb galkiisa loo daayo madaxweyne Axmed Madoobe oo isagu loobinka iyo xujooyinka wada hadalka si wacan u buuxi-kara

Shirka labada dhinac dhex marl-doona waxaa abaabulkiisa gacanta ku haya dawladaha IGAD