Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 18 July 2025

Wadaadki Abriska Dahir Aweys Aafada Somaliya Ka Soo Burqatay Sababta U Ahaa Oo La Qabtay Iyo USA Oo.

Wednesday - June 26, 2013

Nin ka tirsan maamulka Ximin Iyo Xeeb ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada maamulkaasi xalay waqti dambe ay gacanta ku soo dhigeen Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah hogaamiyayaasha sar sare ee ururka argagixisada ah ee Al Shabaab

Afhayeenka maamulkaasi ma cadeyn goobta laga soo qabtay Xasan Daahir Aweys, lakiin wax uu sheegay in aanu muujin wax wax iska caabin ah, waxaase warku intaa ku daraya in Xasan Daahir Aweys waqtiga qabashadiisa uu ku gudo jiray safar ku damacsanaa in uu ku biiro kooxaha argagixisadaha ah ee ku jira buuraha galgala ee Puntland

Waxaa kalo warku xusaya iney dhinacyo badan ka jiraan dadaalo badan oo iska soo hor jeeda oo ka socda jihooyin badan, oo mid waliba rabta in gacanta loo geliyo Xasan Daahir Aweys, waxaana dadaaladaas ergeysiga qayb ka ah dawlada mareykanka iyo itoobiya oo ku farxay qabashadiisa isla markaana doonaaya in gacanta loo soo galiyo si baaritaan loogu sameeyo xiriirka u la leeyahay argagixisada caalamiga ah .. Qabashada Xasan Daahir Aweys ayaa la filaya iney sahli-doonta in guul laga gaaro dagaalka looga soo horjeedo argagixisada dagaalada iyo colaada ka wada dalka somalia.