Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 18 July 2025

Daahir Aweys Oo Ka Goys Haysta Inu Dawlada Isu Dhiibo Iyo Xubno Qaraabadiisa ah Oo Ka Baryaya Inu...

Thursday - June 27, 2013

Cadaado- Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee gobolka Ximin Iyo Xeeb yaa sheegaya in halkaas ay maanta gaareen wafdi isugu jira dowladda Soomaaliya iyo wagaradka beelaha Saleman iyo Cayr, kuwaasoo halkaas u tagay in ay wadahadal la yeeshaan shiikh Xasan Daahir Aweys oo illa iminka weli ku si adkeysanaya inusan tageyn mogdisho isla markaana usan ka tanaasuleyn jihaadka u kula jiro dawlada somaliya

Raga halkaas tagay waxay ka kooban-yihiin tobaneyo xubnood kuwaaso ay ka mid yihiin shiikh Canduqaadir Cali Cumar oo horrey u soo noqday wasiirka arrimaha gudaha dowladii KMG ee uu madaxweynaha ka ahaa Shariif Sheekh Axmd,  Jeneral Yuusuf Maxamed Siyaad "Indho-Cadde" oo ay horay uga wada tirsanaayeen Sheekh Xasan ururkii Xisbul-Islaam iyo Axmed Diiriye.
Wafdiga markii ay gaareen Cadaado waxa ay kulamo albaada u xiran la qaateen maamulka Ximin iyo Xeeb iyo Xasan Daahir Aweys, laakin wax faah-faahin ah lagama hayo, inkasto war ay ku sheegayaan in Daahir Aweys uu ku adkeysanaya aragtidiisa u weli ku sii ahaanaayo Al-shabaab

Waxaa jira warar aan la xaqiijin-karin oo tilmaamayo in Xasan Daahir Aweys loo soo  wareejin doono magaalada Muqdisho, si dowladda loogu soo gacan galiyo, laakiin dawlada Xasan garguurte weli lagama hayo mawqifka cad ay ka qaadan-toonto iyo sida ay ka yeeli-lahayd Shiikh Xasan Daahir Aweys, koleyba warka ayaa intaa raacinaya in dawlada Mareykanka ay talo ka bixi-doonto sidi wadaadkaas mustaqbalka laga yeeli-lahaa.