Shiikh Xasan Daahir Aweys Oo Caawa War Cusub Keenay Dad Badana Ka Yaabiyey
Thursday - June 27, 2013
Iyadoo magaalada Cadaado ee gobalka Gal-gaduud uu ku sugan yahay Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Saraakiisha Xarakada Al-shabaab ayaa waxa uu keenay war cusub misane dad badan ka yaabiyay.
Halkii laga filaayay in dowladda Soomaaliya uu isku soo dhiibo ayuu sheegay war lama filaan ah, iyadoona dadkii halkaasi ku sugnaa dhamaan ay madaxa gacanta wada saarteen.
Galabta waxaa u tagay Odayaal iyo siyaasiin Beesha Saleebaan ah si ay wax u suaalaan, laakiinse waxa uu sheegay in gobalada Dhexe uu usoo aaday sidii taageero uu ku heli lahaa, ayna ka goan tahay inuu sii wado Jihaad wax uu ku sheegay.
Waxaa kaloo uu sheegay in Shacabka Ximan iyo Xeeb uu kasoo doontay sidii uu taageero xoogan ku heli lahaa, islamarkaana ay dagaalada uga gacan siin lahaayeen/
Odayaashii Beesha Saleebaan ee maanta tagay cadaado ayaa u sheegay in Laba mid isaga laga doonaayo, taa oo kala ah, in uu isaga sheegto meel amaan ah ama dal la geeyo oo Al-shabaab uu iska daayo, ama inay iyaga tashan doonaan.
Laakiin waxa uu ka codsaday in fursad la siiyo si uu uga sii fikiro goaanka kama dambeesta ah ee uu qaadanaayo.
Caawa waxaa loo diray rag kasoo jeeda Beeshiisa Cayr Habargidir oo Ugaaskooda uu ku jiro, waxaana ay ka dhaadhicin doonaan in dhibaatada uu iska daayo, islamarkaana dowladda uu dhinaciisa ka raaco.
Hadaba Odayaashaan qaarkood ayaa u sheegay Al-shabaab-nimadiisa haddu ku adkeysto in beri intay soo xir xiraan ay xoog ku soo saari doonaan diyaarada.
Laakiin Xasan Daahir ayaa laga yaabaa inuu aqbalo wada hadalkaan iyo waan waantaan xoogan, si aanay dhibaato isagaba u soo gaarin si sharaf lehna uu kusoo raaco odayaashaan.