Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 18 July 2025

Maleeshiyaad Ka Carooday Xariga Korneyl Cabaas Oo Rabshado Dagaal Ka Wada Qaybo Ka Mida Xaafadaha Ki

Friday - June 28, 2013

Kismaayo– Ka dib markii Cidamada Kenya ay xabsiga dhigeen Korneyl magaciisa loo yaqaano Cabaas Talxe ayaa kooxo teelteel ahi oo u badan ilaaladiisi gaarka ahayd waxay weerareen Ciidamo ka tirsan kuwa Jubaland, laakiin waxaa la sheegay in ciidamada jubaland aysan illaa wax talaabo ah qaadin oo aan ka ahayn is-difaacid.
 
Wararka laga helaayo goobaha weerarku ka dhaceen waxay sheegayaan in sadex meelood ay kooxo maleeshiyo ahi soo weerartay goobo ay Ciidanka Jubaland fariisimo ku lahaayeen, oo ay ka mid yihiin meelo u dhow Hotel Qiilmawaaye, iyo waliba laba meelood oo ka tirsan Xaafada Calanley.
 
Ma jiro Dagaal la sheegi karo oo laba dhinac ka socda aan ka ahayn weeraradaan kooban oo kudhufo oo ka dhaqaaq ah oo ay qaadeen Maleeshiyaad ka xanaaqsan Xariga ay Kenya Xirtey Korneyl Cabaas.
 
Wali waxaa jira goobo Xabado laga maqlayo magaalada, Xabadahaasoo u badan kuwo la iskasoo ridayo balse ma jiro cid si toosa Xabadaha isu waydaarsanaysa oo la tilmaami karo.
Jawiga Magaalada ayaa hadal hayntiisa, loo hadal Hayaa Xariga Korneyl Cabaas iyo Talaabada xigta ee laga filaayo Amisom iney qaadayaan, waxaana beryahaan hawl-wadeenada maamulka Jubaland iyo odayaal dhaqameedka magaalada  iyo madaxda amisom-ba go'aan ku gaareen in magaalada nabadgalyadeeda si wada jira loo sugo, lagana qabto dadka qaswadaayaasha ah.