Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 18 July 2025

Xog Deg Deg Ah: Raiisal Wasaare Saacid Oo Ku Guuldareystay In Uu Soo Daayo Korneyl Cabaas

Friday - June 28, 2013

Mogadisho-Nairobi: Warar hoose ee diblamaasiyadeed oo la soo xigtay ayaa Xaqiijiyey in Raysal Wasaare Saacid uu si toosa ula soo xiiriray Xafiiska Midowga Afrika ee Nairobi  gaar ahaan Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Mohamed Saleh Anatif oo fadhigiisu yahay Nairobi ayaa Raysal Wasaare Saacid talefoon ku soo wacay, wuxuuna Raysal wasaaruhu codsadey in si deg deg ah lagu sii daayo Korneyl Cabaas oo ay dhowaan xukuumaddiisa ay u soo magacaawday abaanduulaha ciidamada Jubaland, kaasoo badalay markii korneyl Makoombo oo horay loogu soo magacaabay  ciidamada DFee Jubaland laakiin sarkaalkaas hawshi laga rabay ku guul dareystay.
 
Sida warka lagu helay Ambassador Mohamed Saleh Anatif wuxuu u sheegay in RW Saacid uusan la safan kooxaha  qalaasaha ka wada Kismaayo, kooxahaaso looga shakisan yahay inay la shaqeeyaan Al-shabaab.
 
Ambassador Anatif  ayaa wuxuu kaloo u sheegay RW Saacid in Baaqii arimaha Jubooyinka(Resolution) ee ahaa inta ay socdaan wadahadalada Diblamaasiyadeed ee Arimaha Jubooyinka ineysan jiri karin cid qaadi karta talaabo ama dhaqdhaqaaq amaanka wax yeelaya, tasoo uu hoosta ka xariiqay inuu korneylku ku xadgudbay.
 
Dhinaca kale sida aan warka ku heyno Ambassador Anatif iyo Raysal Wasaare Saacid ayaa aad ugu kala afkaar duwanaaday wadahadalka hadda ka bilaawday Adsi-Ababa oo uu Raysal Wasaaraha ku codsaday in Stakeholders Jubaland lagu daro kooxaha sheegtay madaxweynayaasha sida Barre Hiraale iyo Iftiin Baasto.
 
Arrintaan iyo warka u la yimid Saacid ayaa meesha ka saareysa sheekadii ahayd in DF aysan haba yaraatee aqoonsaneyn kooxaha iskood u sheegtay madaxweynayaal Jubaland.
 
Col.Cabaas oo horey ciidan Gedo u kala yimid qaybna ka ahaa sugida amaanka magaalada xiligii shirku ka socday Kismayo ayaa la sheegayaa in todobaadkan uu Muqdisho gaaray oo kulamo la soo yeeshay DF ka dibna ku soo laabtay magaalada isgaoona bilaabay dhaqdhaqaaq ciidan, waxaana la sheegay inu dawlada dhexe u ka soo qaatay ballan-qaad inu mustaqbalka gobolkaas ka noqdo taliyaha Qaybta loona dalacsiiyo darajada Jeneral.
 
Xariga Kornaylka ayaa lala xiriirinayaa qaraxyadii shalay lala eegtay ciidamada AMISOM ee ka hawlgala magaalada,waxana Ciidanka Jubaland ay shegeen dhankooda inay bilaabayaan hawlgal balaaran oo magaalada looga sifaynayo kooxaha nabada khalkhalka gelinaya.
Korneyl Cabaas Ibraahim Gurey waxaa hadda lagu hayaa Saldhig ay Ciidamada Kenya ku leeyihiin Wajeer, waxaana lagu eedeynayaa inuu ku lug lahaa Weraro amaan xumo oo ka dhacay kismaayo, weeraradaasoo qaarkood lagu soo qabqabtey Dagaalyahano Al-shabaab ka tirsan.