Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 18 July 2025

Hawlgal La Magac Baxay " Ma Xishoode Lagama Xishoode" Oo Saaka Ciidamada Jubaland Ka Bilaabeen Kis.

Saturday - June 29, 2013

Ciidamada amaanka Jubaland ayaa Saaka waabarigii bilaabay Howlgal xoogan oo aan cidna loo aaba yeeleen magaaladana looga Sifeynayo Maleeshiyaadka hubeysan ficilooyinka xun ee ka faaiideysanaya xishoodka masuullinta maamulka Jubaland.

Howlgalka saaka bilowdey ayaa ah mid lagu bar tilmaamaysanayo Shaqsiyaadka amaandarada ka wada magaalada, Kaasoo maalinkasta dhaliya iska hor imaad oo ay dad shicib ah ku dhintaan .. Saraakiisha Ciidanka maamulkaas oo lala hadlay subaxnimadii hore ee saaka waxay sheegeen in ay Ciidanka Jubaland u diyaar garoobeen Howlgalkaan hadda socda .. dhinaca kale saraakiishaas waxay sheegeen in wararka maalin kasta ay buun-buu-ninayaan war-baahinta mogdisha ay tahay wax aan waxba ka jirin oo ujeedada uun ay tahay in lagu xoojiyo shakhsiyaadka halkaas qaska ka wada iyo wax yeelo loo geysto sumcada maamulka dhawaanta ka dhismay jubaland.

Shalay Magaalada waxaa ka dhacay Dagaalo goosgoos ah oo Maleeshiyaad taageersan Dowlada Federaalka ah ay dhowr meelood oo magaalada ah ka sameeyeen, Mana ahayn Dagaal ay Ciidanka Jubaland si toosa u galeen balse wuxuu ahaa mid ay maleeshiyaadku xabada kusoo tuurtuureen Goobo Ciidanku degan yihiin, waxaana la xusayaa in maleeshiyadkaas rasaasti ay gabaabsi ku tahay oo aysan haysan wax maalin lyo labo lagu dagaali-karo, saad iyo cunto maalmeedna haba sheegin

Laakiin Goor galab gaabadkii shalay ah ayaa Ciidanku ay si xoogan u weerareen koox Maleeshiyo ah oo isku urursaday meel u dhow Xero Daraawiish, waxaana halkaas ay Ciidanku Eryadeen Maleeshiyaadkii taabacsanaa Dowlada Federaalka ah, Waxaana laga qabsadey laba Qori oo nooca culus ah, Isla markiina Ciidanku waxayk ku guuleysteen iney kala eryaan maleeshiyaadka, Sidaas ayaa qoraxdu ugu dhacdey oo loo kala seexdey, iyadoo saaka halkaa dib uga bilaabmay dagaaladi lagu sifeynaayey maleeshiyadkaas qulqulaatada wada.

Dhinaca kale waxaa iminka war ka soo dhacay xagaa iyo Adis ababa u sheegaya in shirkii labada dhinac ka socday ee Dawlada Fedaraalka Iyo maamulka Jubaland gabi ahaantiisba lagu kala kacay kadib markii wada hadalkii dhinac walba la dhaafi waayey murano xujo ah iyo ereyo un ku socta ka socota.