Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 18 July 2025

War Deg Dega Ah- Wada Hadaladi Jubaland Iyo DF Oo Ku Heshiyey Qodobo La Isla Meel Dhigay

Saturday - June 29, 2013

Adis ababa– Qodobada lagu heshiiyey Wadahadaladii Adis ababa uga socdey Dowlada Federaalka iyo Dowlada Jubaland ayaa ka kooban Sadex qodob oo heshiis lagu gaaray inkastoo markii hore Wadahadaladu ay aad xasaasi u noqdeen oo Qoloba walbaa geed dheer fuuleen ayaa haddana mar dambe heshiiskaan la isla gaaray
 
Dowlada Federaalku waxay soo jeediyeen qodobo u cubtami waayay Dowlada Jubaland kuwasoo ay ka mid ahaayeen in la badalo magaca Dowlada Jubaland oo loo badalo maamul kumeelgaar ah, iyo golaha Baarlamaanka loo badalo golaha deegaanka, tasoo Maamulka Jubaland ku gacan sayrey.
 
Aakhirkii Masuuliyiinta Dowlada Federaalka way soo dabceen waxaana Wadahadaladii kasoo baxay qodobo ay kamid yihiin:
 
1-In loo wada hadlo dowlada Jubaland ee Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka 
2-In la sameeyo Gudi labada dhinac ka socda
3-in Wadahadalku sii socdaan, si deg deg ahna ay u kulmaan labada Gudi
 
Warar waxaa jira sheegaya in IGAD ay soo kala dhexgaleen labada dhinac markii ay dhowr jeer kala boodeen, aakhirkiina waxaa soo baxay qodobadaan oo labada dhinacba saxiixeen.
 
Wafdiga Jubaland waxay Caawa (29 Juun,2013) u soo duulayeen xaga Nairobi.