Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 18 July 2025

Barre Hiiraale Oo Sheegay Inu Dagaalka Kismaayo La Garabsanaayo Al-Shabaab

Sunday - June 30, 2013

Kismaayo-Col. Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo maanta dagaalki buntukh iyo brigaan lagu waabiyey loogana saaray Kismaayo ayaa shaacaiyay inuu ku sugan yahay duleedka magaalada uuna yahay aar-doon isu diyaarinayo baafin colaad iyo qaabkii uu ugu laaban lahaa gudaha magaalada laga soo ceyriyay.

Waxuu yiri: Waxaan joognaa duleedka magaalada Kismaayo waa isa soo hubeyneynaa waana ku laabaneynaa gudaha magaalada waxaa ka socda Kismaayo wax ka baxsan xeerarka dagaalka aduunka oo ay ka mid yihiin kufsi, Boob iyo tacadiyo dheeraad ah oo ay horseed u tahay Kenya, anagu waxaa magaalada naga soo saaray Kenya iyada ayaa hadda maamuleysa xaquuqdeenana na duud-siisay” ayuu intaa ku daray hadalkiisa Barre Hiiraale.

Wareysiga uu maanta bixiyey Col.Bare Hiiraale ayuu uga jawaabay warar sheegaya in dhinacooda ay isu dhiibeen ama xiriir dhow la leeyihiin kooxda Al Shabaab, wuxuuna taas uga jawaabay oo yiri waa jiraan waxyaabo badan oo ka dhaxeeya dhinacayaga iyo Al Shabaab isagoo intaa raaciyey in Al Shabaab iyo isagu ay isla yihiin Soomaali oo uu dalka naga dhaxeeya, Kenya waa Gaalo dalkayaga ayey ku soo duushay, waxaan ku midoobi doonaa colaada Kenya iyo ka saaridooda dalka” ayuu yiri Col. Bare Hiiraale oo sheegay in hadda isku aruursanayaan duleedka magaalada Kismaayo.