Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 18 July 2025

Allaha Ha U Naxariiste Waxaa Maanta Duug Lagu Hubsaday Cali Muumin X. Ismaciil ( Cali Fero Weyne)

Tuesday - July 2, 2013

Inaa lilaahai Waa Inaa ileyhi Raajicuun .. in Dadow la wada mootan-yahay waa daliil dhaba, waxaa Xalay magalada Mogdisho ku geeriyooday allala ha u naxariiste Digtoor Cali Muumin Xaaji Ismaciil oo loo yaqaanay (Cali Feera-weyne), geeridiisana sida illa hadda naloo sheegaayo waxaa sabab looga dhigay dhinaca Wadnaha oo si kadis ah shaqadiisi gabay .. geeridu waa xaq oo haddi mawdku Ruux daynaayo dunidu waareyso ambiyada ayaan laga dileen laysu soo diray.

Digtoor Cali Muumin inta laga xasuusanyahay taariikhdiisa waxuu ka mid ahaa saraakiishi lixdamaadkii ka soo qalin jabisay kuliyadi milatariga dalka Masar oo dabadeedna xilal kala duwan ka soo qabtay xooga dalka Somaaliyeed, waxuuse mudooyinkii dambe ka shaqeynaayey maxkamadihii dalka oo u ka ahaa Garyaqaan u dooda saraakiisha iyo askarta dulman, waxaana lagu yiqiin shakhsi la duubnaada xaqa, hasa ahaate mudooyinki dambe gaar ahaan xiligi dawladii madaxa u ka ahaa cabdulaahi Yuusuf ayuu ka noqday wasiir ku xigeen isagoo dhinacna kale sidaan ka warhayno ka mid ahaa xubin ka hawlgaly falkiinti sharciyada dastuurka Fedaraalka ee maanta lagu shaqeynaayo .

Hadii Aan nahay bahda shabakadaan galdogob Times waxaan u tacsiyeneynaa allaha u naxariista Awlaadiisi, eheladi iyo qaraabdi intaba, oo leenahay Samir iyo iimaan allaha naga siiyo dhamaanteen, waxaana hawada u marineynaa duco intaan karno oo aan leenahay allaha siiyo darajada Janada fardoosa u dago kana waraabiyo.