Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 18 July 2025

Xubinti Masar Ee Midawga Afrika Oo La joojiyey Iyo Taagerayaashi Mursi Oo Isu Soo Baxay

Friday - July 5, 2013

Qaahira -Boqolaal kun oo ruux oo taageersan madaxweynihii loo soo doortay sida dimuquraadga ah ee mr Mursi, ayaa dibadbaxyo ka dhigaya dalkakaasi masar, iyagoo  ka soo horjeeda tallaabadii ay militerigu xilka kaga qaadeen madaxwaynihii sharciga ahaa ee dalkaasi, isla markaana ay ku xirxireen masuuliyiintii ururka ikhwaanu-muslimiin.

Tallabadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Midowga Afrika uu joojiyay xubinnimada Masar si ku meel gaara, ee ururka midawga Afrika, kaas oo ahaa go'aan uu hore ururku u gaaray, ka dib markii ay ku bateen qaarada Afrika jabhadaha iyo falaagooyinka oo ku kaca falal afgambi, si looga hortago wadamada inqilaabku ka dhaco, hakadka ku yimid xubinnimada Masar ee midawga Afrika ayaa laga yaabaa inay Itoobiya ka faa'iidaysato khilaafkii ka dhexeeyey ee ku saabsanaa  Biyaha Wabiga Nile-ka.

Kumanaan ka mid ah taageerayaashii  Mursi ayaa dhigaya dibad baxyo wawayn oo ay kaga soo horjeedaan awood ka tuuristii lagu sameeyay Mursi, ayadoo ay ciidamaduna ay sheegeen in aanay diidayn dibad baxyo nabad galyo ah, Afhayeen u hadlay Ikhwaanul Muslimiinka ayaa sheegay in aanay qeyb ka noqon doonin xukun ay sheegeen in laga xoogay, madaxweynihii sida sharciga ah loo soo doortay ee ka soo jeeday ururkooda oo sanado badan dibada ka joogay siyasaada masar, laakiin markii ay xilka qabteen mudo sanad gudihii awooda laga fara maroojiyey ayadoo dadka reer Masar ay u muuqdaan inay si weyn ugu kala qeybsan yihiin tallaabada mileterigu xukunka kaga  tuureen Maxamed Mursi.

Si kastaba ha haaatee waxa aan la garanayn halka uu ku dambayn-doono iyo sida uu u dhamaan-doono khilaafka ka taagan dalkaasi Masar.