Wasiirkii Daakhliga Xilka Laga Qaaday Ee Somaliland Oo Mogdisho Ku Wajahan
Saturday - July 6, 2013
Muqdisho xigasho (Waaheen) Wasiirkii arrimaha gudaha Somaliland ee xilka laga qaaday Mohamed Duurjaan ayaa la xaqiijiyay inuu ku wajahan yahay Muqdisho si uu kaga baxsado dacwad la xiriirta musuqmaasuq uu ku lunsaday lacago badan oo maamulka Siilaanyo u diyaarinayaan.
Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federalka Somalia ayaa ku xog waramay in Mohamed Duur telefoon kula soo xiriiray xubno ka tirsan Urur diimeedka Al-Islaax .
Mohamed Duur wuxuu xubnaha Al-Islaax u sheegay inuu Muqdisho ku wajahan yahay
Masuuliyiintu waxay tibaaxeen in Mr Duurjaan rajo ka qabo in Dowladda Federalka xil u magacaawdo hasse yeeshee aanay muuqan himiladiisa.
Mohamed Nur Caraale {Duur} oo heysto Baasaboor Jabuutiyaana wuxuu damacsan yahay inuu safar ugu baxo Jibouti kadibna uga sii gudbo Kenya si uu Muqdisho dhinacaas uga galo.
Mohamed Duur wuxuu dakano badan ka galay shaqsiyaad iyo beelo u dhashay Koofurta Somalia sidaas darteedna waxay Calaamatu su-aal saaran tahay wuxuu kala kulmi doono safarkiisa Muqdisho.