Wariye Goor Dhaweyd Lagu Khaarajiyey Magalada Gaalkacyo
Sunday - July 7, 2013
Gaalkacayo--Weriye ka tirsan Idaacada ku taala Bosaaso oo la yiraahdo SBC iyo TV-ga Kalsan ayaa caawa lagu khaarajiyey waqooyiga magaalada Gaalkacyo oo maamul goboleedka Puntland gacanta ku hayo ama ka taliyo.
Weriyahan oo magaciisa la oran jiray Liibaan Cabdulaahi Faarax (Liiban Qaran) ayaa koox hubaysan oo aan heybtooda la aqoonsan rasaas la beegsadeen, dhawr xabadoodna kala heleen madaxa iyo caloosha sida galdogob Times ilo xog-ogaal ah oo Gaalkacyo kala soo xiriiray u xaqiijiyeen.
Weli ilaa hadda lama shaacin cida soo maleegtay dilkaas,isla markaasna ma jiraan wax wara oo ku saabsan dilka weriyaha oo ka soo baxay maamulka Puntland ee Gaalkacyo oo ka taliya goobta dilkaas ka dhacay.