Diyaaradi Qaaday Madaxweyne Xasan Shiikh Oo Cilad Ku Timid Iyado 25 Daqooqo Hawada Ku Jirtay
Monday - July 8, 2013
Muqdisho: Diyaaradi madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayay ka qaday garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa waxaa la soo daristay cillad iyadoo dib loogu soo celiyay Muqdisho.
Afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo ka mid ahaa wafdiga uu hoggaaminayay madaxweynaha ayaa sheegay markii ay dib ugu soo laabatay diyaaraddu garoonka in markii diyaaraddu socotay 25-daqiiqo uu duuliyuhu ku wargeliyay in mid ka mid ah matoorada diyaaradda ay cilladi gashay lana damiyay.
Sagaalkii subaxnimo ee saaka waqtiga Muqdisho ayaa diyaarad siday wafdi uu hoggaaminayay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ay ka duushay Muqdihso 25-daqiiqo markii ay hawada ku jirtay ayaa kabtanka diyaaraddu ku wargeliyay wafdiga inay jirto cilad xagga matoorka ah oo ay damiyeen, ayna go'aansadeen inay dib ugu garoonka Aadan Cade AIRport ee ay diyaaradu ka soo kacday, Abaarihii 10:00 subaxnimo ayay diyaaraddu dib ugu soo laabatay garoonka iyadoo badqabta ayuu yiri Afhayeenka madaxweynuhu Eng: Yariisow.
Afhayeenku wuxuu hadalkiisa ku daray in wafdiga ay sii wadan doonaan safarkooda ay ku tagayeen Koonfurta Suudaan, halkaas oo madaxweynuhu uu ka helay casuumaad rasmi ah, uuna kaga qaybgalayo sannad-guuradii labaad ee xorriyadda dalkaasi.
Si kastba ha ahaatee waxa aan la garanayn sababata dhabta ah ee ciladan iyada oo uu sheegay Eng: yariisaw inay baarayaan Hay'adaha amnigu arrintan.
Goob-joogayaal ku sugnaa garoonka diyaaradaha Muqdihso ayaa sheegay in ay arkeen diyaaradda oo qaybta dambe ka ololaysa, iyadoo wafdigii uu hoggaaminayay madaxweynaha Soomaaliya ay si deg-deg ah uga soo dageen.