Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 18 July 2025

Berito Arbaco Ah Waxaa Bilaabaneysa Biishii Ramadaan Ee Musllimow Yeyna Ku Dhaafin Barakada Ramadaan

Tuesday - July 9, 2013

Biisinka Alle Ayaan Ku Bilaabaya - Waxaa berito arabaco 10 Julay 20013 inoo bilaabaneysa biisha barakeysan ee Ramadaan, biisha soonka, biisha Qu'raanka, bisha dambi dhaafka, bisha nafta lala xisaabtamo, allana sheeydaankana inaga xiro.

Haddaan nahay bahda shabakada Goldogob Times waaxaan hambalyo iyo Bogaadin u direynaa ummadda islaamka iyo gaar ahaa shacabka Somaaliyeed meelkasta oo ay dunida ka joogaan, waxaana dalka Somaaliya xukumad, shacbi, rag iyo dumar, dhallin iyo waayeel, miyi iyo magaalo u baryeynaa in Alle barakada soonka nicmo iyo barakhad inoogu daro in alle nabada inoo xoojiyo, sido kale ayaan u rajeyneynaa somaalida iyo guud ahaa dunida musllinka.

Allow Meeshi dab ka baxayo dami .. Allow colaad ka qaad dunida islaamka ..  Allow beerkooda burcad isu mari .. Allow adaa awood leh ee u gargaar shacbiga Suuriya iyo falastiin.

Waxaa haboon in qof waliba xisaabtamo oo qaladku galay ka toobad keeno .. hadaad xil umadda u hayso xisaabtan oo xusuuso iney geeri iyo xisaab aakhiro ku sugeyso .. xilka naftaada iyo qoyskaaga kaa saaran Qiime oo u gudo sida ugu haboom .. Iska jir markhaatiga beenta ah, ma aha markhaatiga kan maxkamada uun laga hor furo, waxaa ka mida qoraalada beenta ah ee qofna lagu daafacayo Qofna laga been sheegaayo.

Dambi aadami ayaa loo yahay ee waxaa la rabaa soo noqosho iyo toobad keen .. Allow ha na dilin anagoon toobad keenin .. Allow dambigayaga, kii waalidiinta, kii musllinka, kii dhintay iyo kan noolba allow dhaaf .. Allow ha noo ciqaabin dambiga ay galeen kuwa aan noo naxayn adna kaa cabsooneyn .. Allow naga qabo kuwa iyagoo xumaan sameynaaya ku dhuunta diinta iyo munaafiqiinta aamin Aamin.

Musllinow yeyna ku dhaafin barakada Ramadaanka soonka raaci quraan Akhris iyo taraawiixda, iska jir golayaasha xanta iyo beenta, ka dheerow namiimada iyo isku dirka. 

Fiiro Gaara: Biisha barakeysan ee Ramadaan iyo cibaadada la doonaayo in la sameeyo awgeed waxaa naga xasuusa in aan si ku meel gaara hakad u galin-doono qoraaladayadi maalinlaha Newska, hasa ahaate wixii war xiiso leh oo laga- marmiwaayo waa halkeeda ee fadlan sidaa ula socda