Nabi Huud wuxuu ka dhashay qabiil ahaan Reer Caad, waxayna ahaayeen Carab ku noolaa saxaraha Yaman, gaar ahaan buuraha u dhaxeya Cummaan iyo Xadramuut bada agteeda, degaankooda waxaa la oran jiray Ash-Shaxar, waxay ku noolaayeen Teendhooyin waaweyn oo leh tiirar badan.
Nabigeena Maxamed CSW waxuu yiri:Nabiyada iyo Rususha Afar ka mid ah waxay ahaayeen Carab: Huud, Saalix, Shuceyb iyo Nabigeena Maxamed CSW .. Huud waxuu ahaa ninki ugu horeeyey oo ku hadla Afka Carabiga, laakiin qawl kale ayaa jira oo oranaya afka carabiga waxa horay ugu hadlay Nuux, halka kuwa kale ay yiraahdaan waxaa ku hadlay Aadam.
Reer Caad waxay ahaayeen Qoonkii ugu horeeyey ee caabuda Sanamo kadib daadkii weyna ee lagu rogay Qoonki Nuux .. Reer Caad waxay ahaayeen kuwa ku Qooq oo ku kibra arlada si xaq daro ah, iyagoo iloowsan Allahi abuuray inu yahay mid ka xoog badan quwad ahaan bay waxay dihi jireen: Yaa naga xoog badan
Allaha kor ahaaye Qoonkaas waxuu u diray Nabi Huud oo Rasuulna ahaa. markaasu ugu yeeray iney rumeyaan oo caabudaan Allaha kaliya, hasa ahaate duqeydi Reer Caad iyo wixii gaaloobay waxay ku yiraahdeen: Waa ku aragnaayo waxaa kugu jira caqli xun, oo waxaan qabnaa inaad ka mid tahay beenlowyada.waxaad noola timid inaan caabudno Alle oo kaliya oo aan ka tagno wixii ay caabudi jireen aabbayaashayo ee Huudow noo keen waxa aad noogu goodisay haddi aad run sheegeyso waxay kalo ku yiraahdeen: Huudow wax cadeyn ah noolama aadan imaan, ugamana tegi-doono ilaahyadayada hadalkaaga Qura.
Nabi Huud oo u jawaabay ayaa yiri;Qoonkeygiiyow iguma jirto caqli xumo, laakiin waxaan ahay rasuul ka socda Rabbiga uumanka, waxaana idiin soo gaarsiiya fariimihii rabigay oo aan u gudanaya ilaahay dartiis, waxaana marag gashan Alle inu ka markhaati ahaado oo idinkuna markhaati ka ahaado inaan anigu beri ka ahay waxa aad Alle u yeesheen ee shirigiga ah.
Nabi Huud waxuu Yiri: Rabbiyow ii hiili waa i beeniyeene. Alla wuxuu yiri: "Muddo yar gudaheed waxay noqon-doonaan kuwa shalaaya. markaas baa waxaa qabtay cadaab Qaylo daran ah oo xaq ah waxaana ka dhignay xaabo jabad oodaha Qarjajabadeed oo kale" ( al- Mu'minuun: 31/41) waxaana Qoomkii Reer Caad Alle u diray kuna ciqaabay dabeyl hugmeysa maalmo baas iyo belo ay wadatay oo Qaylo ah mana ay helin wax gar gaara.
Reer Caad Daruurahaas dabeysha wadatay intaan lagu rogin waxay u qaateen mid Roob u keeneysa, balse Alle waxuu ku yiri: Waa wixii aad weydiisateen oo la idin soo dadajiye, waana dabeyl ay ku jrto cadaab xanuun badam oo wax walba baabineysa amarka Rabbigeed.
Nabi Maxamed CSW Markastoo cirka daruura daboolaan, wajigiisa waa is badali jiray, oo soo galid guriga iyo ka bixid badnaa horay iyo gadaal u socon jiray, haddi ay Roob keento wuu farxi jiray .. Caaiisha oo Nabi Maxamed csw arinkaa wax ka weydiisay waxuu ugu jawaabay oo yiri "waxay noqonkartaa wixii ay la kulmeen Reer Caad"
Fiiro Gaara: Ku Xirnow Kuna Taxnoow oo ka Faaiideyso Silsilada Qisooyinka Iyo Taariikhda Faca Weyn Ee Ambiyada Naloo Soo Diray oo Maalin Walba Ramadaanka Dartiis kala Socon-doontaan shabakadaan Galdogob Times