Luud waxaa adeer u ahaa Ibraahim CS .. Qisada Qoonkii Luud Iyo Cuqubadi ku dhacday, waxay ahayd dhacdo naxdin leh oo dhacday intii uu noolaa Ibraahim CS .. Luud waxuu ugu yeeray Qoonkiisi cibaadada Alle oo kaliya, iyo iney ka joogaan dhaqankooda xun ee haweysiga Ragaa ah ee aanay cidna kaga horeyn, ka sokow falkaas foosha xun, waxay goyn jireen jidka oo dhac iyo boob u geeysan jireen musaafiriinta .. waana ay diideen baaqiisi iyo waanadiisii wanaagsaneyd, waxay ku sii socdeen dhaqankoodi xumaa ee khanisnimada ahaa, waxay u muuqdeen kuwa aan dooneyn wax waano ah iyo cid wanaag u sheegta heer ay ku hamiyeen iney Luud ka saaraan magaalada, hasa ahaatee Alle si sharaf leh Qoyskii Luud looga qaaday magaaladi sharka badneyd oo halkaas ku badbaadeen Luud iyo Reerkiisa marka laga reebo xaaskiisi.
Markii uu Luud arkay ineyan geedna uga waaban dhaqankoodaasi xun, wuxuu baryey Allaah oo ka dalbay inuu uga hiiliyo Qoonkiisa .. Allaah waa uu aqbalay baryadiisi, oo muujiyey caradiisa Luud awgi sida loo xumeeyey dartiis.
Waxuu Alle soo diray malaaigtiisa si uu u ciqaabo Qoonkii Luud, waxay malaaigtii horay u soo mareen ibraahim, waxay ugu bishaareeyeen wiil cilmi badan oo la yiraahdo Isxaaq, sido kale waxay u sheegen ciqaabka ay doonayeen iney ku asiibaan Qoonka Luud la halaagi doono dadka magalada oo daallimiinta ah .. Ibraahim wuxuu ku yiri malaaigtii; waxaase magaalada ku jira Luud, waxay malaaigtii ku jawaabtay oo tiri: Innaga baa ogsoon waxa jooga halkaa, oo waa badbaadin-doonaa Luud Iyo Ehelkiisa marka laga reebo marwadiisa.
Culimada waxay yiraahdeen: malaaigtii u timid Ibraahim waxay ahaayeen Jibriil, Mikaaiil iyo Israafiil, markay yimaadeen magalad Sodom (Urdun) waxay ku yimaadeen muuqaal wiilal yar yar oo Qurux badan, si uu Alle u eego oo ku oogo xujada oo ay u mutaan ciqaabkooda, waxaana marti galiyey Luud , waxayna ahayd goor gabal dhac ah.
Luud wuxuu ka baqay haduusan marti galin iney gacanta u galaan qolo kale oo halis galaan. ma ogeyn iney ahaayeen malaa'ig loo soo diray iney ciqaabaan Qoonkiisa, wuxuu u qaatay iney yihiin dad caadi ah .. Luud waa u murugooday dartood oo ciriiryoomay .. markii ay malaaigtaa u timid Luud wuxuu ka shaqeynaayey dhul u lahaa, waxay ka codsadeen inu marti galiyo, oo ka xishooday inu diido codsigooda, waayo horay ayey u soo martay taaso kale oo loo xumeeyey martidiisi
Luud waxuu socday Maliigtaas hortooda isagoo ku si jeeda guriigiisa, illa Sadex jeerna wuxuu isku dayey inuu u sharxo iney ka laabtaan magaladaan, oo waxuu u cadeeyey oo yiri; Walaahi kuma ogi arlada dusheeda wax ka shar badan oo ka kheyr daran dadka degan magaaladaan .. Malaaiigta waxaa la faray ineysan halaagin qoonkaas jeer uu nabigooda ku marag furo iney yihiin qoon baas oo belo ah.
Luud martidi wuxuu keenay gurigiisa, cidna ma ogeyn iney yimaadeen aan ka ahayn Reerkiisa. hasa ahaatee waxaa baxay xaaskiisii oo ku soo war galisey Qoonkeeda arinka martidaas, waxay tiri: waxaa jooga guriga Luud niman aan weligey arag wax ka muuqaal iyo qaab wanaagsan oo ka wajiyo Qurxoon. markaasay yimaadeen Qoonkiisi oo ku soo Rooreen gurigi .. Luud wuxuu ku yiri kuwaani waa martideydi ee ha i fadeexeynnina, oo ka cabsada Allaha oo ha i dufeynina.
Malaaiigtii waxay u sheegeen Luud ciqaabka ku dhici-doona Qoonkiisa iyagoo leh " Subaxa Baa Madashooda Ah, Saw ma aha Subuxu Wax Dhaw" ( Q 11:81),. markii uu Luud debada kaga baxay magaalada isagoo ay weheliyaan Reerkiisa, kuwaasoo ahaa labadiisa gabdhood oo keliya, Qofna ma raacin, waxaa la sheegay in xaaskiisa ay la socotay hasa ahaate intey dib u noqotay ayaa haleelay ciqaabki Alle.
Waxaa la sheegay in Jibriil uu jiridda uga gooyey magaalada iyo wixi hareeraheeda ahaa .. waxay dhamaan ahaayeen todobo magaalo oo leh dadkeedi iyo duunyadoodi .. wuxuu u Qaaday Samada oo Afgambi u rogay oo sidi Roob dhagxaan dhoobo duuban ah" Sijiil" oo is daba jooga .. dhagaxyadaas oo laga soo calaamadeeyey xaga Rabiga, dhagax walba waxaa ku dhignaa magaca Qofka loogu tala galay iney ku dhacdo.
Waxaa la sheegay in xaaskii Luud la baxday Luud iyo labadiisi Gabdhood, hasa ahaatee markii ay maqashay Qaylo daran iyo Qarax weyn iyo ka soo tuurida magaalada Cirka, waxay u laabatay Qoonkeedi oo sidaas ku caasiday amarkii Rabigeed, waxay tiri: "Alla Tolkeygiiyow" markaas dhagax calaamadeysan ku soo dhacay oo digada ka dhigay.
Fiiro Gaara: Ramadaanka Kariimka Awgii Fadlan Ku Xirnow kuna Taxnow oo ka faaiideyso Qisooyinkaan Taariikheed ee ku saabsan Ambiyadi Rasusha Naloo soo diray .. Kala soco galdogob Times Oo Maalin walba ku soo Gudbin-doonta