Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 18 July 2025

Qisadi Qaaruun

Tuesday - July 16, 2013

Qaaruun wuxuu ahaa mid ka mida Qoonkii Nabi Muuse CS, Qawlka badi ahlu cilmiga waxay sheegaan in Qaaruun ahaa wiil u dhalay Muse adeerki., hasa ahaate qaar culimada ka mida ayaa yiri: wuxuu ahaa Muuse adeerkii, waxaa kalo la yiri magaciisa asliga ah waxaa la oran jiray Munawar, waayo wuxuu ku akhrin jiray Tawreedda cod Qurux badan, laakiin waa dambe waa uu isaga tagay Muuse isagoo ay isla weyni galisey maalkiisa, iyadana baa rogtay.

Alle wuxuu ku xusay Qur'aanka badnaanta khsnadihiisa ay u baahnaayeen rag leh jir xoog badan, waxaa sido kale la yiri furayaashiisa waxay ka sameysnaayeen Harag, waxaana lagu qaadi jiray Lixdan dameero ah, dabeeto Qaaruun markii uu muujiyey Kibir iyo isla weyni, waxaa wacdiyey oo waaniyey dad wanaagsan oo ku yiri" ha farxin" ha u dhaqmin si isla weyn iyo kibir leh oo ha faanin, ka yeel dadaalkaaga iyo maalkaaga mid lagu bixiyo Jidka Alle, waxaa lagu yiri ha hilmaamin inaad saami ka siiso maalkaaga dadka danta yar ah, oo aad u axsaan iyo sama fasho sida uu Allaba kuugu axsaan iyo samo falay oo ha la doonanin fasahaad Arlada

Qaaruun wuxuu ahaa mid iskula weyn maalkiisa tirada badan iyo awooda Alle siiyey darteed. waana ka diiday wacdigii iyo wanaaga kuwaasi waaniyey oo waxuu yiri " Waxkani waxaa la igu siiyey oo kaliya cilmiga aan leeyahay darteed" waxaan aan haysto waxaan ku helay aqoonta aan idin dheerahay iyo inaan mudanahay", wuxuse warkiisi sii raacshay oo yiri "Haddi uusan camalkeyga cajibin-lahayn Alle ima siiyeen waxaan oo idil oo maaliyad ah ee anigu uma baahni wacdiga iyo waanadiina ee iska socda".

Qaaruun waxaa lagu yiri: in badan oo ummadihi hore ah baa la halaagay oo kaa xoog badnaa, kuwaaso isu keenay maaliyad ka tiro badan waxaa aad adigu isu keentay. oo ahaa sido kale kuwa xoog badan haddi ay run tahay waxaad sheegeyso, Alle ma cadaabeen iyaga oo ma halaageen .. inaad dadka maai iyo awood dheertahay uma aha daliil iyo xujo inu Alle ku jecelyahay oo aad ku weyntahay.

Qaaruun wuxuu la soo ban baxay faan isagoo soo bandhigaaya dhamaan waxa Alle siiyey maal iyo aduunyo, kuwaaso dad badani u hanqal taagay dhaldhalaalka iyo dhalanteedka aduunyo, dadkaas daawanayey bandhigiisa waxay jecleysteen in waxaasi oo kale oo maal ah la siiyo, hasa ahaate markii ay maqleen culimadoodi iney u hanqal taagayeen noloshaa dhalanteedka ah waa ay ka waaniyeen.

Waxaa la soo wariyey in Qaaruun uu siiyey xoogaa lacag ah Naag dhilo ah, oo ka dalbay iney ku tiraahdo Muuse dadka horti " waxaad igu sameysay waxaas iyo waxaas" yacni waa iga sineysatay. markaas bay naagtii ku andacootay arinkaa dadka horti .. Muuse waa u isku naxay markii uu maqlay arintaa, oo tukaday labo rakcadood, oo dabadeeto u yimid oo ka dalbay iney ku dhaarato waxa ay sheegeyso oo weydiiyey waxa ku xambaaray iney sidaas yeesho. waxay u sheegtay Muuse inuu ahaa Qaaruun ka ku qasbay inay sidaas yeesho, markaas bay ilaahay dambi dhaaf weydiisatay oo ka toobad keentay dambigaa .. Muuse baa wuxuu la dhacay Sujuud oo habaaray Qaaruun ..Alle u soo waxyooday isagoo leh: waxaan amray Arlada iney kugu adeecdo arinkiisa.

Qaaruun wuxuu soo agmaray meel kulan oo uu Muuse ku wacdinaayey Qoonkiisa, Muuse wuxuu weydiiyey Qaaruun waxa ku kalifay inu naagta ku edabdarootay uu isagu soo diray, Qaaruun wuxuu yiri " Muusow haddi adiga la iga kaa roonaaday in lagu siiyey Nabinnimo, aniga waxaa la iiga kaa roonaaday in la ii siiyey maaliyad aan la koobi karin. waxuu raacshay warkiisi: haddi aad jeceshay waxaynu wada tagi karnaa meel fagaare ah oo i habaari karta aniguna ku habaari karaa. markaas bal aan eegno kaayagii ay ku dhacdo lacanadda Alle.

Markaas bay Muuse Iyo Qaaruun la wada baxeen dadkoodi, oo Muuse Ku Yiri: ma adigaa i hor habaaraya mise anigaa ku habaara marka hore? Qaaruun wuxuu yiri: aniga ayaa ku habaaraya marka hore. markiina uu habaaray lagama aqbalin habaarkiisi. Dabadeed Muuse wuxuu ku yiri isagii: miyaan ku habaaraa hadda? Qaaruun wuxuu yiri Haa. Muuse wuxuu yiri "Allow amar Arlada iney adeecdo maanta". Alle wuxuu u waxyooday inuu amray .. Muuse dabeeto wuxuu yiri: "Dhulkow qaad oo liq isaga" .. markaas arladii liqday ilaa cagahooda, Dabeeto wuxuu yiri; qaad oo liq iyaga. markaas bay Arladi liqday ilaa jilbahooda, dabeeto illa garbahooda, dabeeto Muuse wuxuu yiri dhulkow keen maalka iyo khsnadooda. markaasay arladi keentay. Dabeeto Muuse wuxuu yiri isagoo ku tilmaamaya gacantiisa; liq daarahaan. weyna liqday.

Markii muuqaalkaa naxdinta leh ay arkeen kuwaa jecleysanayey maalka iyo meeqaanka oo kale waxay yiraahdeen " War illen waa dhab in gaaladu marnaba ahaan doonin kuwa liibaana oo hanqaltaagi baaba ku siganee" .. waxay ilaahay uga mahad naqeen ineysan la meel noqon Qaaruun sidaas baa looga badbaadiyey cadaab xanuun badan. Dabeeto Alle wuxuu nooga waramay in nolosha aakhiro ay tahay tan baaqiqa ahaan abad .. nolosha lagu heli-doono barwaaqo waarta ama cadaab ma guuraan ah.

Qofkii ogaada oo ku dadaala salaaddiisa, waxay u ahaan doontaa Nuur, xujo iyo badbaado maalinta Qiyaamaha, Qofkiise ka dan iyo muraad la'aada, ma lahaan doono Nuur, xujo iyo badbaado, waxaa lala meel yeeli-doonaa maalinta Qiyaamaha Qaaruun, Fircoon, Haamaan iyo Ubay Bin Khalaf .

Fiiro Gaara Bisha Barakeysan Ramadaanka Awgi Ku Xirnow kuna Taxnow silsilada Qisooyinka Taariikhda Faca Weyn Ee Ambiyada Iyo Rasusha ilaahay Noo Soo Diray Oo Maallin Walba Aad Kala Socon-karto Galdogob Times