Alle wuxuu ka abuuray Aadam in gacan mugeed oo ciid ah uu Malag ammran ka soo qaaday dhamaan Arlada. waana tan keentay in ilmo Aadam noqdaan si waafaqsan midabka iyo dabeecadaha Arlada .. Waxaa ku jira kuwa Cad, kuwa Cas iyo kuwa madowba iyo midabyo kuwaa u dhaxeeya.. waxaa ku jira kuwa dabeecado xun iyo kuwa dabeecdo fiican, kuwa nugul iyo sido kale kuwa ad-adag iyo kuwa u dhaxeya intaas .. Alle weyn wuxuu ku abuuray Aadam labadiisa gacmood si usan Ibliis u muujin wax kibir iyo isla weyne ah. markaasuu ka dhigay Dad, wuxuuna ahaa dhoobo muddo afartan sano ah, dheerarkiisana waxuu ahaa lixdan dhudhun, markii malaaigtu soo agmareen oo arkeen waxaa galay cabsi .. ibliisna wuxuu ahaa midka ugu cabsi badan, waa uu soo ag mari jiray oo garaaci jiray, markaas waxaa ka soo yeeri jiray dhawaaq sida Dheriga ah. Waana halka uu Alle ka leeyahay ee ku xusan Aayadan: " Wuxuu ka abuuray Aadam Dhoobo Sida Dhoobada Dhariga ee Dhawaqa Leh"
Ibliis wuxuu yiri: waa iney jiraan ujeeddo loo abuuray. wuxuu ka galay Afka, oo ka baxay dabadiisa oo ku yiri malaaigta: ha ka baqina waayo Rabigiin waa Daa'im aan daldalool lahayn, kanse waa mid dalool leh. waan ka adkaan-doona oo jebin-doonaa .. Markii uu soo dhowaaday waqtigii Alle doonay inu ku afuufo Aadam Ruuxda uu u abuuray. wuxuu ku yiri malaaigta: markii aan ku afuufo Ruuxda, waa inaad u sujuuddaan. markii uu ku afuufay Ruuxda oo Ruuxdi gashay xaga madaxiisa Aadam waa hindhisay. malaaigtii waxay tiri: Dheh Alxamdu lilaahi, markaasu yiri Alxamdu lilaahi markaasuu Allena yiri : Raximuka Rabbuka " Rabigaa ha kuu naxariisto" hasa ahaate Ibliis waa uu diiday inu wax ka sujuudo. dabeeto Alle ayaa yiri: Ibliisow maxaad u haysataa sabab oo aad wax uga sujuudi weydey. ibiiis wuxuu yiri: Aniga ma ahi mid u sujuudaya Qof aad ka abuurtay Dhoobo Qaw leh oo madow jilicsan oo doorsantay ah. Allaha wuxuu yiri:hadaba ka bax halkaan "janada" oo waxaa tahay duli dayro ah illa maalinta Qiyaamaha. Ibliis wuxuu yiri Rabiyow i siih fursad illa maalnta meytida la soo bixin-doono ( Qiyaamaha) .. waana laga aqbalay oo loo raacshay tusaale wixi raaca in lala ciqaabi-doono
Aadam markii Ruuxdi gashay indhihiisa, wuxuu arkay miraha Janada, markii ay gashay calooshiisa hunguri baa galay. Markaasu ku booday isago socod boobaya xagaa miraha Janada, ka hor inta aysan galin Ryuuxda lugihiisa, waana halka uu Alle ka yiri; " Aadane waxaa laga abuuray Deg Deg" .
Markii uu Alle abuuray aadam, wuxuu masaxay dhabarkiisa, markaasa waxaa ka soo baxay dhabarkiisa dhammaan nafaha dhalan-doona oo ka mida Ubadkiisa illa maalinta Qiyaamaha labada indhood ee aadane kasta wuxuu u yeelay iftiin birqaya oo ka yeelay Aadam hortiisa .. Aadam wuxuu yiri; Rabiyow waa kuma kuwakani? Alle wuxuu yiri: waa Ubadkaaga. Aadam wuxuu arkay Nin ku jira oo iftiinka birqaya ee indhihiisa soo jiiteen. Aadam wuxuu yiri: Rabiyow kanina waa kuma?. Allaha wuxuu yiri: waa nin ka mida Duriyadaada iman-doonta aakhirka oo la oran doono Daauud. markaasu Aadam yiri: imisa ayaad ka yeeshay cumrigiisa? Allaha wuxu yiri: Lixdan Sano. Aadam wuxuu yiri: Allow ka siih Afartan sano cumrigeyga oo ka yeel cumrigiisa Boqol .. markii uu dhamaaday cimrigii Aadam oo la gaaray ajashiisi waxaa u yimid Malakul-mowd. Aadam wuxuu yiri: waxaa ii haray afartan sano. wuxuu yiri waxaad siisay wiilkaaga Daauud wuxuu yiri: May, ma aanan siin, wuuxu yiri Aadam baa wax dafiray oo waxaa sidaas oo kale, Aadam baa gafey, duriyadiisa way gefi oo wax hilmaamin sido kale.
Alle wuxuu isu soo kulmiyey maalintaa dhamaantood kuwa la abuuri-doono ilaa maalinta Qiyaamaha. waa uu abuuray uu u yeelay Qaab iyo Suurad, oo ka yeelay iney hadlaan markaasay hadleen,. wuxuu la galay wacad iyo ballan oo ka yeelay iney markhaati furaan naftooda " Sow Ma Ahi Rabigiin. waxay yiraahdeen: Haa oo La Hubo"
Markii ay geeridu u timid Aadam wuxuu la balamay wiilkiisa Shiis oo baray saacadaha maalinta iyo habeenka iyo salaadaha iyo camalada cibaadada ee lala yimaado saacadahaa., wuxuu sido kale u sheegay Daadka imaan-doona isaga gadaashi . waxaa la sheegay " aadamaha oo idil waxay ku ab tirsadaan Shiis, halka Aadam ilmahiisii kale ay wada dhinteen oo ayan ka tagin wax warasad ah.
Markii uu Aadam dhintay waxay ahayd maalin Jimca ah, malaaigtii waxay la yimaadeen Udug iyo Kafan ay ka keeneen xag Alle iyo Janada, dabeeto mayreen jirkiisa oo kafneen udgoona mariyeen, dabeeto waxay u qodeen Qabri oo ku tukadeen, oo dabeeto Aaseen, markaasay yiraahdeen: ilmo Aadamow waa inaad sidano oo kale uu duugataan meytadiina. waxayna malaaigtaas u tacsiyadeeyeen wiilkiisi Shiis .. sida la sheegay markii Aadam dhintay Qoraxda iyo Dayax waxay madoobaadeen todobo habeen iyo todobo maalmood .. sida la wariyey markii uu Aadam dhintay, waxay dhamaan uumanka u ooyeen todobo maalmood, waxaa laga wariyey nabi Muxamad Cs in cimriga Ibraahim uu ku Qornaa looxa maxfuudka kun sano ahaan .. kadib dhimashadiisii Aadam, Shiis wiilkiisi ayaa Qaaday xilkiisa wuxuuna ahaa Nabi.
Fiiro Gaara:Biisha Ramadaan Ee Barakeysan Awgeed Ku Xirnow Kuna Taxnow Silsiladaan Taariikheed oo ka shekeyneysa Qisooyinkii Ambiyada Naloo Soo Diray, kalana Soco Shabakadaan Galdogob Times oo maalin kasta idin soo gudbineysa