Waxaan horay u soo xusnay Qisadi Nabi Ibraahim CS iyo Qisadii Qoonkiisi, waxaan sido kale soo xusnay Qisadi wiilkii u adeeka u ahaa Nabi Luud oo la waqti ahaa, hadaba markaan waxaan ka hadli-doonaa Qisadii ilmihii Ibraahim uu Alle ku xusay Kitaabka Iyo Nabinimada dhexdooda .. Nabi Ibraahim CS, wuxuu lahaa ilmo badan, hasa ahaate labo ka mid ah ayaa caan baxay, waayo Nabinimo ayuu Alle ku galaday korkooda, sidaas awgeed waxay noqdeen Nabiyo waaweyn.
Midkood hore wuxuu ahaa Ismaciil oo ahaa kan lagu eegay imtixaanka Qurbaan ahaanta loo gawrici-lahaa, kadib markuu adeecay aabihi inuu fuliyo waxa uu ku arkay Riyada, oo ka ballan qaaday inu ku sabraayo gawracaas loo geysanaayo. Ibraahim ismaaciil wuxuu ka dhalay xaaskiisi Haajar .. Ismaciil wuxuu dhashay markii uu Ibraahim jiray sideetan iyo lix sano, isxaaqna wuxuu dhashay markii uu Ibraahim dhaafay da'ahaan Boqol .. markii loo qadimay Qurbaan ahaanta, ismaciil wuxuu jiray Sadex iyo Toban sano .. Markii Haajar dhashay Ismaciil, Saarah ayaa nacday arageeda, oo ka dalabtay ibraahim inu ka qariyo wajigeeda, sidaa awgeed ibraahim wuxuu qaaday Haajar iyo wiilkeedi Ismaciil oo xiligaas Naas nuug ahaa uu la galay socdaal xagaa iyo meesha hadda ay ku taal Makka oo markii dambe ibraahim uga soo tagay Ismaaciil iyo hooyadiis, Allana ma hoojin oo waa u gargaaray .. ismaciil wuxuu aabihiis Ibraahim la dhisay Kacbada oo u soo guri jiray dhagaxa kan ugu wanaagsan, hasa ahaate mar ismaaciil hawsha ku daalay oo in yar nasasho galay waxaa halkiisii buuxiyey Malag Jibrii oo u keenay dhagax cad oo Johar la moodo uu horay Aadam ka keenay Janada, waxaase Madow ka dhigay dambiyada aadanaha .. Ismaciil ayaa aabihiis Ibraahim weydiiyey oo yiri: aabbow yaa ku keenay dhagaxaan jawharka la moodo. Ibraahim wuxuu yiri: waxaa ii keenay mid kaa dadaal badan oo kaa firfircoon aan marnaba daalin,. markaasay dhameystireen dhismihii iyagoo Alle Baryaya. " Rabbiyow Naga Aqbal Adigaa Ah Midka Maqalka Iyo Cilmiga Badan (al- baqarah:127)
Alle Weynne waa uu ammaanay Ismaciil wuxuuna ku sheegay inu ahaa mid dul badan iyo sabir badan, oo ka run sheega oofiyana ballamaha uu galo, waxaa sido kale lagu sifeeyey mid dhawri-jiray salaada, ugu yeeri jiray dadka tubta toosan.
Nasab yaqaanada iyo taariikh-yahanada waxay sheegaan inu nabi ismaaciil ahaa Qofkii ugu horeeyey ee fuula Faras. inti taas ka horeysay fardaha waxaa loo arkay sida habar dugaagta kale .. Ismaaciil inta layliyey buu fuulay oo ka dhigtay gaadiid .. Ismaaciil wuxuu guursaday haweyney reer Camaaliq makka daganeyd, laakiinse markii uu aabihiis arkay haweyntaas deyrada lagu arkay, wuxuu amray inuu iska furo, dabeeto wuxuu guursaday haweyney kale, aabihiis wuxuu amray inu haysto haweentaas, waxayna ahayd haweentii sedaxaad uu guursado, waxayna uu dhashay laba iyo toban wiil
Ismaciil, wuxuu ahaa rasuul loo diray Qoonkiisii iyo kuwa ku noolaa degankooda ee qabaaiisha Jurhum, Camaaliq iyo Yamanta , markii ay geeridu ku soo dhawaatay, wuxuu uga dardaarmay xilkiisa walaalkii Isxaaq oo uu guuriyayey gabadhiisi Nasmah wiilka uu adeerka u ahaa ee la oran jiray "Ciisow" wiilkii Isxaaq . Ciisow waxay u dhashay dadka ku abtirsada dadka Roomaanka, Nasmaha waxay kalo dhashay "Al-Ciis" oo isna faraciisa ay noqdeen dadka ka soo jeeda Griiga "Greece" waxay kalo uu dhashay wiilka "al-cays" oo ay ka farcameen dadyooga Ispayn ( asbaaniya). halkaa waxaad ka garaneysa in Dadyooga Reer Yurub meel kasta oo ay joogaan ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan Gabar u dhalay Ismaaciil iyo wiil uu dhalay Isxaaq . wiilka labaad ee Isxaaq oo la yiraahdo Yacquub ayey Reer bani'israail ka soo jeedaan
Ismaciil waxaa lagu aasay hooyadi agteeda gudaha goobta loo yaqaan Al- Xijir ee Makka . markii uu dhimanayey wuxuu jiray boqol iyo sodon iyo todobo sano "137" .. waxaa laga soo wariyey Cumar Bin Cabdul Casiis Allaha u naxariiste inu yiri: Ismaciil Cs baa wuxuu u ashtakooday Alle, isagoo ka ashtakoonaya kuleylka Makka, markaasu Alle wuxuu u waxyooday." waxaan ku furi-doona albaab Xaga Janada ah halka lagugu aasi-doono, aad ka heleysid neecaawda illa Qiyaamaha"
Waxaa la sheegaa dhamaan Carabta Reer Xijaas waxay ku abtirsadaan Ismaaciil ilmihiisa labo ka mida, oo lagu magacaabo Naabit, iyo Kiidaar .. kala soco casharka Dambe Qiisadi Isaxaaq oo ka mida Ubadkii Ibraahim CS.
Fiiro Gaara: Fadliga Bisha Ramadaan Awgeed ku Xirnow Oo Ku Taxnow silsilada taariikhda facda weyn Ee Ka Shekeyneysa Qisooyinkii Ambiyada Iyo Rasusha La Soo Diray, Kalana Soco Casharadaas Galdogob Times oo Maalin Kasta Ku soo Gudbin-doonta Iyadoo Kooban.