Alle Weyne Kor Ahaaye Wuxuu ka soo dejiyey Yuusuf Suurad Dhan Oo la akhriyo oo ku soo aroortay Qur'aanka, si ay dadku ugu fiirsadaan waxa ku soo arooray oo xikmad ah, waano iyo casharo iyo waxyaabo lagu daydo oo lagu cibrad qaato oo tusaalle iyo tusmo fiican leh.
Waxaan horay u soo xusnay in Yacquub uu lahaa labo iyo toban Wiil ay Reer israaiil oo idil ku ab tirsadaan . Yuusufna wuxuu ahaa kan u wanaagsan oo u hufan oo Alle ku maneystay sharaf iyo gobanimo iyo dabeecad wanaagsan oo ku dayasho leh dhexdooda iyaga .. Yuusuf Yaraantiisi wuxuu ku arkay Riyo oo ahayd "kow iyo toban xidig oo summad u ahaa walaalihi iyo Qoraxda iyo Dayaxa oo tilmaamay Waalidkii., oo u sujuudaya" salaan ahaan isaga Yuusuf .. markaasu Yuusuf ka walwalay Riyadan, wuxuuna uga waramay Riyadi aabihi .. Aabihiis wuxuu halkaas kala soo baxay arin ah in wiilkiisa ku yeelan doono meeqaan iyo darajo sare aduunkaan iyo aakhiraba .. Yacquub wuxuu ka dalbay inu afkiisa ka gaabsado Riyadaan oo uusan u sheegin walaalihiis, waayo haddi ay ogaadaan intey ka maseyraan bay ka shaqeyn karaan inay u dhigaan shirqool ay ku waxyeelleeyaan .. waana halka laga yiraahdo: Muraadkiina la kaashada inaad ka qarisaan oo aysan idinka ogaan dadka kale, waayo nicmo walba waxay leedahay xaasid .. waxaa ehlu kitaabka xusaan in Yuusuf uu u sheegay riyadiisa aabihiis iyo walaalihiis isku mar, laakiin Qu'raanka Alle kuma soo aroorin..
Alle wuxuu xusay sida Yuusuf walaalihi ay uga maseyreen sababaha jaceylka aabihi darti ee Yuusuf iyo walaalkii isku hooyo Binyaamiin in ka badan iyaga, waxayna walaalihi yiraahdeen Odayga waa talo xunyahay marka uu innaga oo guuto ah oo xoog badan naga jeclaaday labada Wiil oo yar yarka ah.
Wiilashi ilma Yacquub waxaa ku sii weynaaday xinkii iyo maseyrkii markaas kulmeen oo ka wada tashadeen sida ay ka yeeli lahaayeen Yuusuf, waxayna isla garteen in la dilo ..waxay ka codsadeen aabahood inuu ku daro walaalkood Yuusuf, waxayna iska dhigeen iney doonayaan oo kaliya inu walaalkood yuusf cayaaro oo dareemo farxad iyo Reyreyn . waxayse qariyeen niyadooda dhabta ah oo uu ogsoonaa Alle weyne kor ahaaye .. Yacquub wuu jawaabay oo yiri: maandhooyinow waa igu adagtahay inuu Yuusuf iga fogaado xitaa wax yar, waxaana ka baqayaa ayuu yiri iney Yey cunto ama wax yeeleyso waayo iskama difaaci-karo, waxayse wiilashi ugu jawaabeen: Aabe inagoo guuto ah iyo koox xoog badan haddi Yuusuf bahal cuno hadde hoogayaal oo loo haray baan nahay. waxay ku adkeysteen codsigii ay ka codsadeen aabahood ilaa ay ku khasbeen inuu ku daro wiilka. saa durbaba markii ay tageenba oo gaareen meel xogay jirta, waxay billaabeen inay guulguulaan oo af-lagaaadeeyaan. waa ay xumeeyeen oo handadeen. dabeeto ceelka salkiisa ayey dhigeen. laakiin sida Alle xusay durbadiiba waxaa soo gaaray gargaar Alle.
Markii ay ku tuureen Ceelka salki iyo meesha cidlada ah oo ka soo tageen, waxay soo qaateen shaarkiisi oo galiyeen dhiig Ari oo been ah oo u soo laabteen habeenkii aabahood iyagoo isu oohinaya walaalkood, waana halka ay culimada qaar ka yiraahdaan: Oohinta Qof doonaya in looga gargaaro Qof kale yeysan ku hodin, waayo dad badan oo daalimiin ah ayaa is oohiya, waxaa la sheegay iney hilmaameen iney jexjeexaan dharkiisi, waxaa kalo la sheegay in hilmaanka u daran yahay beenta . waxaa yimid shaki weyna ku guuleysan waayeen iney ku qanciyaan aabahood waxa ay sheegeen, waayo wuxuu la socday ximinta ay Yuusuf ximinayeen iyo iney ka maseyr-sanaayeen jeceylka uu u hayo, wuxuuna ku yiri: "ma jirto ee nafsadiina baa idiin dhistay sheeko ee aniga xageyga samir baa igu haboon. waana Allaha keliya kan laga kaalmeysto waxaa aad leedihiin" wuxuuna ogsoonaa inu Alle uu u doortay Nabi ahaan" .
Yuusf kadib markii lagu tuuray Ceelka, isagoo ka dhawraayey Rabigi gargaar iyo gurmad baa waxaa Ceelka agtiisa soo degay Qolo ganacsato safar ah oo u socotay Masar oo sidatay badeeco Loos, Fistaq iyo miro kala duwan baa ka soo saartay Ceelka kadib markii ay ceelka u riteen daloga biyaha soo qaada oo kala kulmeen wiil ku duuban, laakiinse sida ku taal kitaabka ehlu kitaabka: waxay ahaayeen walaaladi kuwi bedalay ra'yigooda oo ka soo saaray ceelka markii ay arkeen qoladaa safarka ah dabeeto ka iibiyey iyagii oo ka siistay labaatan Dirham .. xaqiiqduse waxaa weeye tan Quraanku sheegay baa uun run ah .. aakhrkii Yuusuf wax suuqa lagu kala dalaalaba waxaa markii dambe Gatay nin wasiir ah oo reer Masar ah, sida la sheegay waxaa la oran jiray Idfiir bin Ruuxiib, wuxuuna ahaa wasiirka maaliyada iyo Qorsheynta dalkaas Masar .. Markaas wadanka waxaa boqor ka ahaa Nin la oran jiray Al-waliid Bin Ar-Rayaan .. Naagta wasiiraka waxaa la oran jiray Raaciil Bin Ramaayiil waxaana lagu neynaasi jiray Suleeqah.
Xaaskii wasiirka Suleeqah waxay isku dayday iney Yuusuf la sameyso waxaan ku habooneyn sharaftiisa, waxay soo xiratay dharkeedi ugu Qurxoonaa oo is diyaarisay, oo inta iridi soo xiratay bay waxay tiri "Iskeen sii" iyadoo ku casumaysa nafteeda .. Yuusf oo ahaa nin dhallinyaro ah oo Alle qurux ku maneystay iyo muuqaal soo jiidasho leh iyo Qiimi, hasa haate wuxuu ahaa Nabi ay dhaleen Nabiyo. Allana waa ka badbaadiyey inu ku dhaco xumo oo ka koriyey dhagarti Suleeqah. hasa yeeshe naagtaas dhagarteedi awgeed waxaa wasiirka iyo xaaskiisa uu muuqatay iney xiraan Yuusuf ila mudo si ayan dadku u faafin hadalo badan oo dacaayad ah iyo fitno isagoon dambi lahayn .. waxaana xabsiga kula jiray labo wiil oo dhallinyaro ah oo midkood riyo uu ku riyooday uu fasiray Yuusuf oo yiri: mid wuxuu Boqorka u shushubi-doono khamriga uu Qabac Qabacsado, saaxiibka kalana waa la daldali-doonaa
Boqorkii ayaa riyooday, waxayna ahayd sababta aasaasiga ah ee uu Yuusuf uga soo baxay xabsiga si sharaf iyo xurma leh .. Boqorka markii uu uga waramay Riyadiisii wasiiradiisi iyo dadka ma helin cid u fasirta, balse waxay ku yiraahdeen" waa Qarow isku Qasan" hasa ahaate Boqorka ayaa booygiisi u qaabilsanaa khamriga Qabac Qabacda ku wargaliyey in Yuusuf Riyada nocaas ah fasirikaro sidaa darteed ayaa xabsiga loogu tagay oo dabeeto Riyadaas fasiray oo u sheegay waxa la gudboon iney falan, wuxuu kalo u sheegay tilaabooyinka laga rabo iney qaadaan. dabeeto Yuusuf oo la eed tiray ayaa xabsigi laga soo daayey .. Boqorkii wuxuu aad ugu bogay caqliga iyo dabeecada wanaagsan uu leeyahay Yuusuf kadib uu madax uga dhigay dhamaan Arlada Masar, wuxuuna u guuriyey haweyney sharaf badan oo la oran jiray As-Saclabi .. Yuusuf wuxuu jiray markaas Sodon sano, laakiin waxaa la yiri markii u dhintay kii wasiirka maaliyada ahaan jiray "al-Casiis" ayuu naagtiisi Suleeqah guursaday oo ugub aan la taaban horti ahayd, waayo kii qabay waa wasiirkiyee wuxuu ahaa in aan awoodin inuu u galmoodo dumarka, waxayna u dhashay Yuusuf labo wiil.
Riyadii oo Rumoday: Tani waa gunaanadka iyo dhamaadka Qisadi qurxooneyd ee u xambaarsaneyd casharo iyo cibaarooyin aadanaha .. Waqtii dheer kadib labadi waalid iyo walaalihiba farsamo uu Yuusf ku soo xero galiyey awgeed waxaa alle qadaray iney wada kulmaan .. Yuusuf waa qaabilay waalidkii oo ku soo duubay labadiisa gacmood waa soo dhaweeyey si sharaf badan isagoo gaadada saaraya .. Yuusuf Oo ku faraxsan araga waalidkiis wuxuu yiri: "Aabow waa tan fasirkii Riyadaydi hore"
Waxaa la yiri Yacquub CS wuxuu wiilkiisa Yuusuf la daganaa Todoba iyo Toban sano, dabeeto wuu dhintay, wuxuuna kal dardaaramay Yuusuf inuu ku ag aaso labadiisi waalid Ibraahim iyo Isxaaq .. Masaaridu waxay u baroorteen todobaatan maalmood, Yuusuf wuxuu amray in Aabihiis la Xunuudiyo oo la udgiyo, dabeeto Yuusuf wuxuu ka codsaday Boqorkii Masar inu Qaado meydkii Aabihi si uu ugu soo aaso dhulka Kancaan " Falastiin". Boqorkiina waa uu idmay sidaas buu Yuusuf ku baxay isagoo ay la socdaan madax iyo duqey reer Masar ah. Markii ay gaareen Xebroon waxay ku aaseen goobti uu ibraahim iyo isxaaq ku aasnaayeen .. Yuusuf wuxuu noolaa Boqol iyo Toban sano. markii ay u timid geerida wuxuu kula dardaarmay Reerkiisa iney ka qaadaan meydkiisa halkaan haddi ay reer bani israaiil ka baxan Masar oo lagu aaso halkii lagu aasay aabayaashi, wuxuuna ku aasna Masar ila uu ka soo saaray Nabi Muusaa CS .. halku uu ku aasnaa Yuusuf waxaa sheegtay islaan jilbkiisa ahayd fac weyn oo taariikh ahaan soo xigatay dardaarankiisa iyo halka Qabriga yaalo .
Fiiro Gaara: Ku Xirnow Kuna Taxnow Qisooyinkaan Taariikhaha Faca Weyn Ee Ambiyada Alle Noo Soo Diray Si Aad Uga Fiirsato Xikmadaha Ku soo Arooray, Waana Iyo Casharo .. Kala Soco Casharadaan Galdogob Times Maalinksta.