Sida la sheegay Ayuub wuxuu ahaa Reer Rome Isir ahaan iyo abtirsiinyo wuxuu gala Ciisow Bin Isxaaq Bin Ibraahim, waxaa la sheegay hooyadi iney ahayd gabadhi Luud CS, waxaa kalo la xusay aabihi inu ka mid ahaa kuwii rumeeyey ibraahim maalinti lagu tuuray dabka si loo gubo.
Culimada iyo taariikh-yahanada waxay sheegeen inuu Ayuub ahaa nin maal badan, oo lahaa maal nooc walba leh. wuxuu lahaa xoolo aan la koobi karin, adoomo iyo shaqaale, wuxuu sido kale lahaa dhulal, guryo, iyo ubad badan, hasa ahaate dhamaantood xoolaha iyo maalkaas wey dhaafeen oo waa laga qaaday. waxaa ku dhacay cudurro kala duwan, ma jirin xubin jirkiisa ka mid oo u fayoobeed marka laga reebo qalbigiisa iyo carabkiisa .. wuxuu ahaa Qofkii ugu horeeyey ee uu ku dhaco cudurka Juudaanka. sida Alle xusay wuxuu ku sugnaa Sabar oo rajeynaayey Naxariista Alle.
Cudurku wuxuu hayey muddo dheer heer ay saaxiibadiis ka haajireen oo Qaraabadiisi gooyeen oo ka tageen. bal waxaa laga saaray magaalada oo lagu tuuray meel Qashin Qub ah agti. Ma jirin Qof u hayey wax wanaag iyo kalgacalo ah xaaskiisa maahe, taaso dhawrtay xaqiisa uu ku lahaa dusheeda waayo waxay xusuusneyd waqtigii wanaagsanaa ay isla soo qaateen. Way u imaneysay oo ku caawineysay waxyaalihii uu maalin walba u baahnaa, oo uusan sameyn-karin iyada la'aanteed, waxay u keeni jirtay dambas ay ku firdhineysey hoostiisa gogol ahaan, waxay markasta ku oran jirtay: Ayuub bari oo tuug oo u dhawaaqo Rabigaa waa intaasoo uu kaa saaro dhibta iyo silica aad ku jirto, wuxuu ugu jawaabi jiray: waxaan ku jiray todobaatan sano nolol barwaaqo leh iyo baraare, caafimaad iyo cawo san ee miyaan u sabri-karin ilaahay darti todobaatan sano oo kale, waxaana dhageeheeda ka batay jawaabtaa .. Xitaa iyada way ku dhibaatooday oo gacan maratay illa ay billowday iney shaqeyso si ay lacag u hesho ay ku noolaadaan laakiin ugu dambeystii dadkii waxay u diideen iney shaqo siyaan, waayo wxay ogaayeen iney tahay xaaskii Ayuub, oo ay ka soo qaadi karto cudurkiisa amaba ay la kulmi karto isla imtixaankaa.
ilaahay ha ka raali noqde way u sabartay ninkeeda waxa ku dhacay . Ugu dambeyna waxay u tagtay gabdho ay dhaleen niman madax ah oo ka iibisay Tidic Timaheeda ka mid ah oo ay raashin siiyeen bedelkeed. Markii ay u timid Ayuub iyadoo raashinka sidda, wuxuu weydiiyey halka ay ka keentay, isago ka xun, waxy tiri dad baan u soo shaqeeyey.Maalinti xigtay,markii ay weydey cid shaqo siisa waxy iibisay Tidic kale Timaheeda oo siisatay raashin oo u keentay Ayuub, has-ahaate ayuub waa uu diiday inuu cuno oo ka dhaartay jeer ay u sheegto halka ay ka keentay . Waxay qaaday masarkii saarnaa madaxeeda mise tinba laguma arko. Markaasuu Alle baryey isagoo Leh " Allow Waxaa igu Dhacay Dhibaato Adigaana U Naxariis Badan inta Naxariisata" ( Q 21:83 )
Xadiis saxiixa waxaa ku soo arooray: " Imtixaanka ugu adag imtixaamada waxaa la mariya Anbiyada, dabeeto saalixiinta wanaagsan, dabeeto kuwa la midka ah"
Dhamaan imtixaammadan waxay u kordhiyeen Ayuub xoog iyo adeyg diintiisa ah, sabar,mahad iyo xamdi-naq Alle isago rajeynaya ajar xagga waxa ku dhacay .. Sabarka Ayuub waxaa loo soo qaataa tusaale ahaan ummadaha dhexdooda .. sida la xuso xaalada xanuuka uu ku jiray ayuub waxaa lagu qiyaasaa inta u dhaxeysa 3-7 sano.
Ayuub wuxuu lahaa labo walaalood. maalin bay u yimaadeen, laakiinse waa ku dhic waayeen iney u soo dhawaadaan urkiisa xun darti, markaasay ka istaageen meel fog . midkood baa ku yiri kii kale: Haddi uu Ayuub wax kheyr ah lahaan lahaa Alle agti, lama kulmeen imtixankaan oo kale. Markii uu Ayuub maqlay hadalkoodaasi waa uu u carooday, si uusan weligi u caroon. Wxuu Yiri:Allow waa ogtahay inaan weligey ku seexan dhereg anigoo ogsoon inuu jira qof gaajeysan habeenkaa, ee haddi ay run tahay iiga marag kac . Dhawaaq baa ka yimid cirka leh run buu sheegay Ayuub . Dabeeto wuxuu yiri; Allow i caawi, Allow i caafi, Allow i Cisee oo dabeto la dhacay sujuud isagoo leh:Allow waa igu Cisadaada, kor uma soo qaadi-doono madaxyga, jeer aad iga qaado dhibka i haysta . Umana soo qaadin madaxiisa kor jeer la caafiyey.
Ayuub waxaa u yimid gargaarkii Alle oo loo soo waxyooday waxa Alle ku yiri: Waxaan dib kuugu soo celiyey ehelkaagi iyo maalkaagi iyo wax la mid ah. ee ku dhufo dhulka lugtaada . markaasu yeelay. waxaa halkaa uga soo baxay il biyood oo dabeeto la yiri: ku Qubeyso biyahaan waxaad ka heleysa caafimaad, oo xoolo ka Qal kafaaro gud ahaan dambiga dadkaaga, una dalab dambi dhaaf .. Alle isla markiiba wuxuu u labisay labis xaga janada ah, dabeeto wuxuu Ayuub u baxay dhinac oo fariistay meel gees ah. Waxaa yimid xaaskiisi oo garan weydey . Waxay tiri: Adoon Allow xagge buu aaday ninkii dhibanaa ee halkaan joogay ? waxaan ka baqayaa iney bahalo cunaan?. waxay la hadleysay muddo dheer. Markaasuu ku yiri : Maxaad leedahay, waa aniga Ayuub. Waxay tiri maxaad igu cayaareysa? wuxuu yiri waa aniga walle Ayuub oo Allaah baa ii soo celiyey caafimaadkeygii.
Abu Hureyra a.k.r waxuu nabiga SCW ka soo wariyey inu yiri: " Markii uu Alle ka saaray Ayuub dhibtii uu ku jirey oo caafiyey, wuxuu ku soo daayey oo roob uga dhigay ayaxyo dahab ah oo ka yimid xagga cirka. Ayuub wuxuu bilaabay inu ku soo ururiyo gacmihiisa oo galiyo dharkiisa. waxaa lagu yiri: Ayuub miyaad ka bogatay? wuxuu yiri: Rabbiyow yaa ka bogan kara oo ka deeq-toomi kara naxariistaada"
Ayuub wuxuu ku noolaa musiibadaas ku dhacday kadib Todobaatan Sano dhulka Roomaanka isagoo ugu yeeray dadkaas islaamka, laakiinse wey badaleen diintoodi kadib dhimashadiisi .. waxaa la sheegay waqtigi dhimashadiisa inu jiray wax Boqol ka badan ilaah baase og .. Ayuub wuxuu u dardaarmay xilkii gaarsiinta diinta wiilkiisa Xawmal, dabeeto wiilkiisi kale Bishar Bin Ayuub, oo dad badani qabaan inuu Yahay Dul Kifil Nabad koorkiisa Ha ahaate .
Fiiro Gaara; Ku Xirnow Kuna Taxnow Qisooyinkaan Taariikheed ee Anbiyada Alle Noo Soo Diray Si Aad uga fiirsato Xikmada Ku Soo Aroortay waano iyo iyo Casharo .. Kala Soco Casharadaan Maalin Walba Galdogob Times