Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 18 July 2025

Casharkii 13-aad Iyo Qisadii Nabi Sulaymaan (Nabad Korkiisa Ha Ahaatee )

Monday - August 5, 2013

Sulaymaan waxaa dhalay Daawuud oo fiir Qoys ahaan ka soo jeeda Yahuuda Bin Yacquub bin Isxaaq bin Ibraahim .. Sulaymaan wuxuu dhaxlay Daawuud nabinimo iyo boqortooyo . ma aha dhaxlidaan dhaxlida aan naqaan ee caadiga ah ee maalka iyo xoolaha, waayo Daawuud wuxuu lahaa ilmo kale, marka ma ahayn Sulaymaan Madi keli ah si uu u dhaxlo hantida iyo maalka, teeda kale sida laga soo wariyey nabigeeni Maxammed SCW wixii ay ka tagaan nabiyada oo hanti ah lama dhxlo balse waa Sadaqo.

Sulaymaan wax walba uu ugu baahnaa xukunkiisa, wax ka badan intii la siiyey boqorada iyo xukaanta ee ka horeeysey ama ka dambeysey. waxaa la siiyey ciidan badan  oo weyn oo leh Dad, Jin,Shimbiro,Habar-dugaag iyo cilmiga wax walba, iyo awooda fahmidda uumanka kale ee aan hadlin.

Maalin Sulaymaan wuxuu soo kulmiyey dhamaan ciidamadiisi lahaa Dadka, Jinka iyo Shimbiraha, oo la soo baxay, illa uu ku yimid Tog, isla durbaba markii ay aragtay Quraanyo isagoo ku soo dhawaanaya Togga. hal Quraanaya ah waxay u qaylisay oo u digtay Quraanyadi kale ee ku sugnaa Togga iney ka beyraan jidka, si aanay ugu baabiin cagaha ciidamada .. Sulaymaan wuxuu maqlay Quraanyada oo fahmay wixii ay ku tiri Quraanyooyinkii kale markaasuu dhoola-cadeeyey markii uu maqlay waxaa aan dadka kale maqli karin.    waana taas tan keentay in Sulaymaan uu baryey Alle isagoo weydiisanaya fadli iyo nicmad uu ku galadeysto si uu ahaado mid ugu shukriya nicmooyinka lagu galadeystay.

Alle wuxuu xusay Qisadii Hud-Hudka markii laga waayey ciidanka dhexdiisa. dhamaam noocyada shimbiraha ee ciidankii Sulaymaan waxay lahaayeen abaanduullayaal iyo hogaamiyaal u imaaneysay si ay warbixin uga siiyaan joogto ah xaaladaha jira maalin walba, sida uuba yahay xaalka madaxda dawladaha .. xilka Hud-Hudka sida ay sheegeen waxay ahayd iney hesho ilaha biyaha, marba haddi ay ku joogaan safar meel hayjad ah .. Hud-Hudku wuxuu awood u leeyahay inuu ogaado biyaha jira arlada salkeeda . markii ay hesho biyaha, ciidanku wuxuu qodayey arlada oo ka soo saarayey biyaha . Markii Sulaymaan uu amar ku bixiyy inu u yimaado waa la waayey. markaasuu Salaymaan yiri: waan cadaabi-doona cadaab daran ama waa gowrici-doonaa haddi uusan ii keenin xujo iyo sabab cad .. hasa ahaatee Hud-Hudkii isla durbadi wuxuu u yimid Sulaymaan oo ku yiri " waxaan soo helay Naag Boqorad ah oo la siiyey wax walba oo uu lahaan karo boqor kasta, waxay leedahay Carshi weyn oo haddana Qorax caabuda.. Hud-Hudkii wuxuu u sheegay Sulaymaan warka Boqortooyada Saba' ee xukumeysey arlada Yaman , waqtigaas waxaa boqrtoyadaas dhaxashay Haweyney reer Boqorka ahayd waayo ma lahayn nin dhxla carshiga arladaas.

Kadib wixii uu Sulaymaan ka maqlay Hud-Hud, wuxuu u diray warqad Qoraal ah Boqorada Saba' isagoo ugu yeeray jidka Alle iyo iney u timaado iyadoo muslim ah .. markii warqadi gaartay boqoradi Saba' waa ay akhriday oo dabeeto isugu yeertay dhamaan wasiiradeedi iyo la taliyaasheeda bal iney talo ka ka siyaan waxa ku soo arooray warqada . hasa ahaatee, jawaab ahaan waxay yiraahdeen "anagu waxaan leenahay xoog badan iyo karti weyn dagaalka, waase xagaaga talada iyo inaad wax na amarto"  waxay tiri "Boqoro markii ay galaan magaalo amse dal waa kharibaan oo ka dhigaan kuwa u cisada iyo sharafta badan oo ka mid ah dadkeeda kuwa liita oo hooseeya, waxayna tiri waxaan u diraya hadiyad-laaluush oo fiirinaaya bal jawaabtiisa" . Markii wafdigii ay u soo laabteen boqoradi iyagoo wada warka ah goodintii Sulaymaan. ma ayan heysan khiyaar kale aan ka ahayn iney isu dhiibto Sulaymaan. markaasay aadeen oo isu dhiibeen .. Markii uu Sulaymaan maqlay warka imaanshahooda, wuxuu la hadlay Jinka la joogay oo yiri kiinnee baa ii keeni kara carshiga Bilqiis. hasa ahaate mid ka mid ah Jinka Mu'miniinta ah ee joogay golihiisa oo haystay cilmi Kitaabka ah yacni la sheegay inu yiqiin magaca weyn ee Alle baa ugu keenay masaafo isu jirta Yaman illa Quds ilbiriqsi.

Qolooyinka wax taariikheeya waxay sheegeen in Sulaymaan uu guursaday Baliqiis, dabeeto wuxuu u daayey iney ahaato boqorada Yaman oo dib ugu diray halkaas. wuxuu booqan jiray bil walbaa hal mar oo la joogi jirey sadex maalmood. wuxuu amray jinka inay u dhisaan sadex Qasri Yaman gudaheed .. Sulaymaan wuxuu jeclaa Fardaha wanaagsan ee dheereeya, laakiinse markii ay ka yeeleen inuu halmaamo salaada wuxuu goostay inuu uga tago Alle Darti . saa markii uu sidaas yeelay, Alle wuxuu siiyey bedel ahaan Dabeyl loo sakhiray oo ku shaqeyneysa amarkiisa oo ah gaadidka ugu orodka iyo dhaqasho badan .. Sido kale Sulaymaan wxaa loo sakhiray Jinka iney u adeegaan waxayna u ahaayeen shaqaale aan marnaba ku caasin. kii aan Qaadan amarkiisa waxaa loo ciqaabayey si daran.

Wuxuu ka soo wariyey Abuu Hureyrah a.k.r in Nabigu SCW Yiri:" Mar Sulaymaan ina Daawuud wuxuu yiri: waxaan u tegi-doonaa caawa Boqol ka mid ah hawenkeyga oo ay midood walba dhali-doonto wiil u dagaala jidka Alle. waase uu hilmaamay inu yiraahdo: Inshaa Allaah. Markaasuu u tagay iyagii oo dhammi, midnase ma qaadin uur marka laga reebo mid dhashay ilmo nus ah aan dhammeyn . Nabigu SCW wuxuu yiri: haddi uu oran lahaa: Inshaa Allaah, muraadkiisa waa helilahaa. 

Sulaymaan wuxuu ka maqnaa Qasrigiisa afartan maalmood markii uu soo laabtay, wuxuu bilaabay inuu dhiso Baytul Maqdis, masjid weyn oo lagu caabudo Alle .. Yacquub wuxuu ahaa kan dhisay masjidka markiisi hore, laakiin Sulaymaan baa weyneeyey oo cusbooneysiiyey oo ka dhigay masjid weyn oo ballaaran.

Sulaymaan wuxuu hayey xukunka boqor ahaan labaatan sano, wuxuuna noolaa konton sano iyo xoogaa .. Dhimashadiisi kadib waxaa kaga dambeyey xukunka boqor ahaan wiilkiisa Rexbocam, kaaso xukunka iyo talada hayey Todoba iyo Toban sano, kadib boqortooyadi Israaiil waa kala jabtay. 

Fiiro Gaara: Ku Xirnow, Kuna Taxnow Silsilada Taariikhda Iyo Qisooyinka Ambiyada Ee Alle Noo Soo Diray. Si Aad Uga fiirsato Xikmada Ku Soo Aroortay Ee Leh Waano Iyo Casharo .. Si Joogto Ah Kala Soco Galdogob Times Oo Maalin Walba Idiin Soo Gudbin-doonta