Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 18 July 2025

Obama Oo Gudoonsaday Dagaal Ruush Iyo Mr. Butin Oo Yiri Dadkii Kaa Wada il Bax

Saturday - August 10, 2013

Washington-Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay inuu dib u qiimayn ku samayn doono xiriirka uu dalkiisu la leeyahay Ruushka in uu noqon karo mid sii shaqayn kara mustaqbalka.

Madaxwayne Obama Waxaa uu cambaareeyay Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin oo uu ku  sheegay inuu u fakarayo sidii berigii dagaalka qabaw.

Obama ayaa ku eedeeyay Putin inuu caqabad ku yahay in horumar laga gaaro arrimaha waaweyn ee u dhexeeya labada dal oo uu ugu horeeyo ninka dusiyey sirta maraykanka ee Snowden,Maraykanka ayaa ka carooday magangelyada ay Ruushku siiyeen Edward Snowden, oo ah ninkii kashifay barnaamij sir ahaa oo Maraynkanku ku dabagalayeen malaayiin ruux oo dunida ku kala nool.

Barnaamijkaas ayaa lagu dhagaysanayay telefoonada, waxaa kale oo loo adeegsanayay in lagula socdo farriimaha internet-ka ee malaayin ruux oo ku nool dunida dacaladeeda.

Madaxweyne Obama ayaa joojiyay booqasha uu ku tegi lahaa dalka Ruushka kaddib go'aanka Ruushaku ay magangelya ku siiyeen Edward Snowden,iyo waliba arrimaha dalka suuriya. hasa ahaate madaxweynaha Ruushka mr. Butin ayaa hadaladaas ka soo yeeray Obama ku tilmaamay kuwa ayaamo lagu raadinaayo in lagu gaaro dano gaara iyo munaafaqad daacad ahayn.