Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 18 July 2025

Dam Jadiid Oo Hub Fara Badan Ka iibsatay Itoobiya

Sunday - August 11, 2013

Xigasho Waagacusub.com- Urur diimeedka Damu Jadiid ee Madaxweyne Hassan Garguurte ka mid yahay ayaa hubkii ugu badnaa ka iibsaday Dowladda Ethiopia sida Warbaahinta Waagacusub ogaatay.
 
Hubka Damu Jadiid ka iibsatay Ethiopia oo laga siiyay qiimo qaaliya waxaa saxiixay Wasiirka Gaashaandhiga Somalia Abdi Xakiin Fiqi iyo Wasiirka Madaxtooyadda Somalia Farah Abdulkadir.

Hubka guud ahaan wuxuu ka kooban yahay:-
 
- 50 Dhashiike .. 300 PKM .. 4000 AK47 iyo Sedex Milyan Rasaas kala duwan.
Hubka oo lagu heshiiyay in Baabuurta gaashaaman ee Ethiopia geyso Baydhabo ayaa qeyb ka mida waxaa lagu soo qaaday diyaarad ku burburtay garoonka Muqdisho.
Lama ogga khasaaraha diyaaradda burburtay iyo hubka saarnaa sida loo qeybsan doono laakiin waxaa la xaqiijiyay in hubka qeybaha dhiman la geyn doono Baydhabo.
 
Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni ayaa aad uga carooday kooxda Damu Jadiid oo heshiiska hubka uga baxay.
Madaxweynaha Uganda wuxuu Xulufadda Damu Jadiid kula heshiiyay inuu ka siiyo qiimo jaban tusaale qoriga AK47 inuu ka siiyo 130 $ halka Ethiopia ka siisay 390$.
Ballan ka bixii ay ku sameeyeen Yuweri Museveni waxaa ka dhashay in qeybtii ugu horeeysay gubato hasse yeeshee dadka qaar ayaa shaki ka muujinaya waxay Damu Jadiid ku sameeyn rabto hubkaan cusub ee Ethiopia ay ka iibsatay.