Muqdisho:Waxaa jira waayahaan dambe kacdoono Af iyo Adin isa si biirsaday oo ka soo if-baxaya Gudaha iyo dibada Somaliya. waxaa olole baan ku haya dawlada uu madaxa ka yahay Xasan shiikh oo sida la sheegay la daalaa dhacaysa siyaasadi iyo Maamulkii Somaliya, kaas oo maalinba ta ka dambeysa waaxi sii go'ayso, kuna sii socda waqtigii uu meesha isaga bixi lahaa.
Dagaaladda ugu culus oo u badan kuwo dhinaca Af-ka ah waxay kaga socdaan maamul Goboleedka Puntland oo ka tirsanaan jiray Xukuumadda Somaliya balse dhawaan sheegay in ay xiriirkii u jareen, iyadoo talaabadii ugu horaysay ee ay ku cadaynayeen mawqif-koodaasina ahayd Celinta Markabkii Raashinka ahaa ee ay Turkigu ku soo caawiyeen Somaliya.
Masuuliyiinta ururka ahlu sunna waljameeca ee gobolada dhexe oo ahaa koox aad u taageerta Xukuumadda Somaliya ayaa sheegtay dowlada Somalia in aanay maamul u soo magacaabi Karin gobolada dhexe ee dalka gaar ahaan degaanada ay iyagu gacanta ku hayaan.
Macalin Maxamuud Shiikh Xasan oo ka mid ah hogaanka sare ee ahlu sunna ayaa sheegay in iyagoo kaliya ay xaq u leeyihiin iney degaanada gacanta ugu jira u sameeyaan maamulo, mana yeeleyno maamul dusha nala ka soo magacaabayo, waxuuna Macallin Maxamuud xusay in dawlada Xasan Shiikh ay illa hadda ka caga jiideyso fulinta heshiis horay labada dhinac u wada galeen .. Wuxuu yiri Ninka la soo magacaabay ee la yiraahdo Xuseen Cali Weheliye Cirfo ma naqaan, mana yeeyleyno.
Sidoo kale, maamulka Ahlu suna waxay dhawaan ku Eedeeyeen Xukuumadda Xasan Sheekh Maxamuud in ay Lumisay Amaankii Caasimadda Muqdisho, isla markaana weeraradii kooxda Al-shabaab ee bishii Ramadaan muujiyeen in aanay lahayn awood ay ku sugto Amaanka.
Dhinaca kale, Xukuumadda Puntland ee uu Madaxda ka yahay oo ahayd ta kali ah ee Maamul Goboleed rasmi ah ahaan jirtay ayaa ka baxday nidaamkii Federalka wallow wadahadalo u socdaan, hadana waxa muuqata in Farroole aad uga fogaaday, isagoo taageero ka helaya Maamulka cusub ee Jubaland, kaasoo aan isna ogolayn Xukuumadda Xasan Sheekh Maxamuud.
Dhinaca kale, Sheekh Fuaad Maxamed Shangole oo ka mid ah saraakiisha sar-sare ee Al-shabaab oo kula hadlayay boqolaal qof oo ku tukaday salaaddii ciidda fagaare ku yaalla degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa ka dalbady inay ka qaybqaataan dagaallada lagula jiro dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.
Fuaad Shangole ayaa sheegay inay difaacayaan calanka Islaamka ayna ka hortagayaan wuxuu ugu yeeray gaalada ku soo duushay Soomaaliya, isagoo xusay in qof walba ay waajib ku tahay inuu difaaco calanka iyo diinta Islaamka.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in ciidamada Midowga Afirka ee gacanta siinaya dowladda Soomaaliya ay jabi doonaan, balse looga baahan yahay shacabka Soomaaliyeed inay adkeystaan inta hadafkaas uu ka suuro-galayo.
Dagaal-yahannada Al-shabaab ayuu ugu baaqay inay xoojiyaan dagaallada ay kula jiraan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, isagoo uga digay inuu khilaaf soo dhexgalo ama ay ka jeestaan dagaalka ay ku jiraan.
Warka ayaa intaa raacinaaya in Xasan Shiikh isagii baan geesna ka tirsaneyn oo kolba meel isku qaadaya siyaasadiisi Luqmatul-xajarkii uu liqayna ay dhuunta isu taagtay oo iminka uusan weli hayn wax daawo ah,balse weli isku sii fidinaaya kacdoomada isa sii biirsanaaya.