Xayawaanka Mareykanka Oo Loo Sameeyey Telefeshin U Gaara Oo Ay Daawadaan
Tuesday - August 13, 2013
QOL- Xayawaanka ku nool dalka Mareykanka sida Eyda ayaa hada helay Telefishan iyaga u gaar ah oo laga furay Dalka Mareykanka, waxaana uu Telefishinkani soo gudbinayaa Barnaamijyo ku saabsan Nolosha iyo Maaweelinta Xayawaanka gaar ahaan Eyda.
Telefishankan waxaa la yiraahdaa "Dog TV", waxaana laga daawan karaa Internetka, iyadoo bilowga Tabintiisuna ay noqonayso mid Lacag laaan ah Labada Toddobaad ee ugu horeeyso Bishan aan haatan ku jiro. Dog TV wuxuu beecsanayaa Suuq aad u ballaaran oo lagu qiyaasay 46 Milyan oo Guryo ah inay galin karaan oo Mareykanka ku yaalla, halkaas oo marka ay ugu yartahay Hal Eey uu joogo.
Sidoo kale Mashruucan ayaa ka faaideysan doona kororka Wacyiga Dadka Daryeela Xayawaanka Dab-joogtada ah, kuwaas oo qaba hada aragti ah inaan laga maarmeyn in loo raaxeeyo Xayawaanaadkaas, gaar ahaanna Waqtiyada dheer ee kaligood lagaga tagayo Guryaha oo Dadkuna ay Shaqooyinka aadayaan.
Mashruucan waxaa la bilaabay ka dib Cilmi-baaris dheer oo lagu sameeyay Midabada la isticmaalo oo Casaan iyo Cagaar u badan, maadaama aanay Eeydu kala saari karayn Midabada Jaalaha (Huruudda) iyo Buluugga ah, iyo waliba Qaababka Codadka, si loo adeegsado Codadka ay Dhagaha Eeydu maqli karaan iyo Arrimo kale oo badan.
Arrintan ayaa ah mid si aad ah looga soo dhaweeyey dalka Maraykanka oo isagu leh Eyda ugu badan dunida, waxana haatan ay dadka Eyda Haystaa safaf dhaadheer u gelayaan sidii ay Guryahooda u dhigan lahaayeen Telefishankan loo sameeyey maaweelada Eyda guryaha u joogta.
Dhanka kale waxay Arrintani ka yaabisay dad aad u badan oo caalamka kala jooga waxaana isweydiin mudan waa maxay Faaiiddada uu Telefishionkani u leeyahay Eyda loo sameeyay?.