Gen.Sisi Oo Lagu Yiri Ku Talagalki Inqilaabka Waa Fashalay Ee Dabeylaha Inteysan Ku Qaadin Isaga Bax
Wednesday - August 14, 2013
Washinton: warar xog ogaal ah oo laga soo xigtay guriga cad ee mareykanka ayaa lagu sheegay iney talo u gudbiyeen Jeneral Siisi ee dhawaanta awood milatari kula wareegay xukunkii Masar, waxaana la sheegay masuullintaas iney jeneraalkaas ku yiraahdeen: xaalku sidi hore ma aha. dagaal siyaasadeed oo isu badalay gacan ka hadal aan dhamaad lahayn ayaa dalka ka oogan, Waana gar in laga baroor-diiqo gumaadka dhacay oo waliba la is weydiiyo wixii madax kaa dhigay waa markaad qiil sharci daro ah ku baneysatay tacshiirado Rasaasa oo leebkii ku gantay shacabkii nabada ku mudaaharaaday, isla markaa siyaasiyiinti Rug-cadaada iyo dhallinyaradi darbaneyd Xabsi Qandi ah ku ridatay ayaa halkaas inqilaabaagi ku fashalmay oo noqday wax aan qiimo loo yeeli-karin, mana muuqato ayey yiraahdeen saldhig shacab sal balaaran oo inqilaabkaaga taageersan aan ka ahayeen krishtanka tirada yar iyo haraadigi madxweynihi hore Xasan Mubaarak .. Mr. Jeneral ha is cajibin. nin suldaan u suuban ayaa madaxiisa Taaj la saara, ayey ku yiraahdeen
Warka ayaa intaa ku daraya in jeneraalka lagu yiri isaga bax dalka oo weydiiso dawlada Imaraadka Carabta iney ku siiso magangalyo siyaasadeed, dabadeedna la soo daayo Madaxwewynaha guusha doorashada sharciga helay Maxamed Mursi, hasa ahaate Jeneraalka oo dabac muujin ayaa jawaabtiisi noqotay oo yiri waan ogahay inaad ii jeceshihiin laakiinse hawsha aan dalkeyga u Qabtay dhayal kuma gaarin,oo diintana ayaaba in badan ka hadashay xishoodka iyo nabada iyo sida Qofka musllinka ah looga baahanyahay, iyadoo sidaas la ogyahay ayaa haddana dhinaca kale ee Akhwaanka ka faaiideysanayaan xishoodkayagi iyo baaqi nabada aan ku talinay oo dabadeed u soo tafaxeytay iney ku kacaan ficilooyin aad u fool xun.